Muqdisho (KAAB TV) -Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa saakay si rasmi ah u furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee qaranka, oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 40,000 oo arday ah oo ku sugan guud ahaan dalka.
38 magaalo oo ka tirsan Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa saakay si rasmi ah looga daahfuray imtixaanka qaran ee dowladda sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
In ka badan labo kun oo askari ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda amniga goobaha lagu galayo imtixaanka shahaadiga ee fasalka 4aad.
Dowladda waxay sheegtay in diyaaradaha ciidanka ee dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay markii ugu horraysay ka qeyb galeen daabulka imtixaanka, si loo fududeeyo in imtixaanka la gaarsiiyo 140 goobood oo imtixaanka lagu galayo.
Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay waxbarashadu inay xal u tahay dhibaatooyinka ka jira dalka, isagoo sheegay dowladdu inay ku dadaashay in kor loo qaado helitaanka waxbarasho bilaash ah iyo macalimiin dowladdu mushaarkoodu bixinayso.
Raysal wasaaraha ayaa sheegay in degmada Warsheikh ay kamid tahay degmooyinka sanadkan kusoo biiray imtixaanka. Waxa uu sheegay mar kaste oo dowladdu xorayso deegaano cusub in jahligu uu sii yaraanayo.
Dhawaan dowladda ayaa soo gabagabaeysay imtixaankii fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee dalka.