Muqdisho (KAAB TV) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalka uu magaalada Muqdisho ku yimid Dr. Zarau Wendeline oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Afrika oo ay ku midaysan yihiin 22 dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Wasiirka Xaange ayaa xusay in mas’uulkaan mudada laba cisho ah uu kusii sugnaan doono magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Hay’addaha Maaliyadda ee Dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona indha indheeyn doona howlaha Hay’addaha Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale xusay Wasiir Xaange in Dr. Zarau Wendeline oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Afrika uu door weyn uu kasoo qaatay deyntii cafintii loo sameeyay Dowladda Soomaaliya.
“Bankiga aduunka mashaariic badan ayuu bixiyaa, wax ku dhow 2 Bilyan ayayna ku bixiyaan, waxay kaloo naga taageeraan kab miisaaniyadeed oo kooban waloow aysan Soomaaliya gaarin heer dhaqaale isku filnaansho, sidoo kale waxa uu diirada saari doono shanta sano ee soo socda ee wada shaqeynta Dowladda iyo World Bankiga, waxaana ka leenahay Bankiga ujeedooyin badan, waxaana ay nagu amaaneen sidaan uga soo baxnay shuruudihii nagula xiray ee deeynta cafinta” ayuu yiri wasiir Xaange oo wareysi siinaayay Tv ga Qaranka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa tilmaamay in Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya dhaqaale ahaan, ay tallaabo wanaagsan u arkayaan inuu Mas’uulkaan yimaado magaalada Muqdisho.
Dr. Zarau Wendeline oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la filayaa inuu la kulmi doono madaxda Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, si looga faa’iidaysto mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka uu bixiyo.