Muqdisho (KAAB TV) -Dadka Soomaalida ah ee ku sugan waddanka Iran ayaa ka walaacsan colaadda sii xoogaysato ee u dhaxaysa Iran iyo Israa’iil, iyaga oo ka tashanaya inay qaxaan ama sii joogaan waddanka.
Axmed Maxamuud Cabdi, oo ah Soomaali ganacsade ah oo ku nool Iran, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in uu muuqdo isbeddel ka dhashay weerarrada isdaba-joogga ah ee ay Israa’iil ku hayso Iran.
“Dadku waa dad dagaallo yaqaana, oo dadku way iska joogaan, ma aha sida waddamada qaarkood ee marka wax dhacaan lagu kala yaaco, laakin isbeddel waa laga dareemayaa meelaha qaarkood,” ayuu yidhi Axmed Maxamuud.
Wuxuu sheegay in guud ahaan isu-socodka dadka ee waddanku uusan fiicnayn; isla markaana aad dareemayso in dadku ay ka gabanayaan weerarrada. Waxa uu xusay in duqeymaha Israa’iil lagu beegsaday dhismayaal shacab, isbitaallo iyo goobo dowladeed.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan guud ahaan waddanka Iran lagu qiyaaso 6 ilaa 7 qof, kuwaasi oo qaarkood ay arday yihiin, halka kuwo kalena ay ganacsato yihiin. Waxa uu intaa ku daray in qof Soomaali ah uu ku dhaawacmay mid ka mid ah weerarrada Israa’iil.
“Waxa jira arday barta qaybta caafimaadka Jaamacadda Tehran, firidh ayaa madaxa iyo dhabarka kasoo yar gaadhay meel uu daraad qarax ka dhacay. Xaaladdiisu way fududahay, waxaana la ii sheegay inuu yidhi ‘xagga Asarbajaan ayaan u kacayaa,’ oo uu hadda dhexda kusii jiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed.
Waxa uu sheegay in maanta ay balameen dhawrka qof ee Soomaalida ah ee waddanka ku sugan, si ay uga tashadaan inay sii joogaan waddanka iyo in kale, isaga oo muujiyay walaaca ay ka qabaan in dagaalku sii ballaadho.
Mustaqbalka colaadda Iran iyo Israa’iil iyo cabsida laga qabo dagaal lagu hoobto
Mustaqbalka colaadda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil ayaa u muuqda mid sii cakirmaya, iyadoo labada dhinacba ay muujinayaan awood ciidan isla markaana ay iswaydaarsanayaan hadallo kulul. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa maanta sheegay in ujeedadiisu tahay in la burburiyo awoodda nukliyeerka ee Iran, taas oo si toos ah u sii hurinaysa xiisadda gobolka.
Israa’iil iyaduna waxay sheegtay in aysan aqbali doonin in Iran yeelato hub nukliyeer ah, taasoo dhalin karta weerarro dheeraad ah oo lagu beegsado xarumaha cilmi-baadhista iyo saldhigyada muhiimka ah ee Iran.
Haddii xiisaddu sii adkaato, waxaa laga yaabaa in dagaalku gaadho heer ay si toos ah ugu lug yeeshaan waddamo badan oo gobolka ah, taas oo khatar weyn ku ah nabadda caalamka iyo badbaadada dadka shisheeye ee ku sugan Iran, oo ay Soomaalidu ka mid yihiin.