Muqdisho (KAAB TV) -Magaalada Muqdisho ayaa shalay si rasmi ah looga furay Gogosha Wadatashiga Qaranka, taasoo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madashaasi ayaa waxaa hadal si weyn loo dhageystay ka jeediyay Hogaamiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Sheekh Bashiir oo si toos ah u taabanayay xaqiiqooyin dhab ah oo ku gadaaman xaaladda dowladnimo iyo hanaanka doorashooyinka, ayaa si cad u sheegay in aysan jirin kalsooni dhab ah oo ka dhaxeysa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasina ay caqabad ku tahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo hufan.
“Sidee doorasho lagu kalsoonaan karo loo qaban karaa iyadoo aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta muranada?” ayuu yiri Sheekh Bashiir. Wuxuu sheegay in markasta oo ay doorasho dhacdo oo aanay jirin garsoor madax bannaan, laga dhaxli karo khilaaf hor leh iyo kalsooni darro.
Sheekhu waxa uu sidoo kale si qoto dheer u dul istaagay fikradda ah in Dowladnimada aysan ahayn hanti gaar loo leeyahay, isagoo yiri: “Hasha Maandeeq qof gaar ah ma leh, dalka waa la wadaa, cid gaar u la carari karta taladana ma jirto.”
Markii uu ka hadlayay khilaafaadka doorashooyinka, Sheekh Bashiir wuxuu ku taliyay in xal loo raadiyo madmadowga jira, isagoo carrabka ku adkeeyay in khilaaf kasta uu leeyahay xal, balse loo baahan yahay in si dhab ah loo wajahdo oo guddiyo loo saaro.
Hadalka Sheekh Bashiir uma muuqan mid ay si fiican u dhegeysteen madaxda Villa Soomaaliya, balse waa erayo mug leh oo u baahan in si qoto dheer loo fahmo. Wuxuu muujiyay in dowladnimo dhab ah lagu dhiso wada-tashi, is-qancin, iyo tanaasul dhab ah.
Gogosha Wadatashiga ayaa la filayaa inay sii socoto maalmo kale, iyadoo lagu wado in qodobo muhiim ah laga soo saaro, balse hadalka Sheekh Bashiir ayaa durba noqday mid hadal hayn badan dhaliyay oo tilmaamaya in hannaanka siyaasadeed ee dalka uu u baahan yahay dib-u-eegis iyo daah-furnaan dheeraad ah.