Howlgalka AUSSOM oo war ka soo saaray diyaarada ku burburtay Garoonka Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) –Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin ciidamada Uganda, kuwaasoo ka tirsan hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ay si degdeg ah ugu dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ka timid saldhigga milateri ee Baledogle ayaa ku sii jeeday garoonka Muqdisho, hase yeeshee waxay ku dhacday xilli ay kusoo dhowaatay in ay degto.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AUSSOM, saddex ka mid ah siddeedii qof ee saarnaa diyaaradda ayaa si degdeg ah loo badbaadiyay waxaana loola cararay isbitaalka heerka labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loo siiyo daryeel caafimaad.

Howlgallo badbaadin ayaa weli socda si loo helo inta kale ee rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.

Hay’adaha duulista hawada ayaa bilaabay baaritaanno si loo ogaado sababta keentay shilka diyaaradeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News