MUQDISHO (Kaab TV) – Wararka saaka ka baxay Kaab TV waxaa ugu waaweyn qodobadan hoose:
- Shirka madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha Xasan Sheekh oo maanta dib u furmaya – Waxaa la filayaa in wajiga labaad ee shirka siyaasadeed uu diiradda saaro arrimaha doorashooyinka iyo hab-raaca wadashaqeynta mucaaradka iyo dowladda federaalka.
- Puntland oo mamnuucday in shirar aan dowladda la oggolaan lagu qabto magaalada Gaalkacyo – Maamulka Puntland ayaa sheegay in tallaabadan lagu xakameynayo shirar siyaasadeed oo lagu sheegay kuwo xasiloonida wax u dhimaya.
- Dowladda Sacuudiga oo lagu eedeeyay in ay door ku lahayd dagaalkii dhawaan dhexmaray Iran iyo Isra’iil – Warar sirdoon oo la helay ayaa muujinaya in Sacuudigu si dadban uga qeyb qaatay weerarradii Israel ku qaaday saldhigyada Iran.

