-Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan oo looyaqaano Taliye shub ayaa maanta soo bandhigay baaritaan uu baryahan waday kaas oo kasocday Xabsiga dhexe ee Xamar oo ah Xabsiga ugu ween magaalada Muqdisho.
Waxaa dhawaan soo baxay eedeymo sheegaayay in maxaabiista kuxiran Xabsiga dhexe ee Xamar laga iibiyo qoraxda iyo in mararka qaar lagu xujeeyo lacago si banaanka loogu soo bxiyo oo ay qoraxda u arkaan ama loo tuso.
Sidookale eedeynta waxaa kamid ahaa in lacag lagu xujeeyo dadka booqashada ugu imaanaya dadka ehelkooda ay kuxiranyihiin Xabsiga dhexe ee Xamar.
Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa hada fasaxay booqashada dadka eheladooda ay kuxiran yihiin Xabsiga dhexe ee Xamar.
waxaan ogolnahay maalmaha booqashada in ay yihiin Talaado, Arboco iyo Khamiis waxaa la ogol yahay booqashada in ehelada soo booqdaan Maxaabiista lagu haayo Xabsiga dhexe ee Xamar ayuu yiri Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

