Laascaanood (KAAB TV) – Shirkii dhameystirka maamulka SSC iyo Ergooyinkii ku shirsanaa magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay maamul-goboleed cusub oo la magac baxay “Waqooyi-Bari Soomaaliya” oo si rasmi uga mid noqonaya dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.
Sidoo kale, Shirweyne lagu ansixinayay dastuurka, ayaa 417 ergo oo matalayay beelaha deegaanka waxa ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen dastuur iyo calan cusub oo uu yeelanayo maamul, kaas oo ka talin doona gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn, Maamulkan cusub ayaa beddelaya maamulkii ku-meelgaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, kaas oo hoggaaminayay ololihii militari ee lagu qabtay magaalada Laascaanood.
Calanka cusub ee la ansixiyay xalay ayaa ka kooban laba xariijin oo siman oo midabyo cagaar iyo buluug ah leh, iyo saddexagal cad oo ku yaal dhinaca bidix, kaas oo ay ku dhex taal astaanta faras, astaantan ayaa lagu maamuusayaa faraskii caanka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, oo ahaa halgamaa weyn oo gumaysi-diid ahaa horraantii qarnigii 20-aad, isla markaana ah halyey qaran, gaar ahaan ay aad u qaddariyaan beesha Dhulbahante ee hormuudka ka ahayd dhismaha maamulkan cusub.
Sikastaba, aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

