SO | EN

SO | EN

Boliiska Somaliland oo gacanta kusoo dhigay 14 dhallinyaro oo ku eedeysan dil

|

Hargeysa (KAAB TV) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, waxaa kusoo badanaya falalka amaandaro sida dilalka, dhaawaca iyo dhaca waxa ayna taasi cabsi iyo welwel badan ku abuurtay shacabka ku nool magaaladaasi oo horey u aheyd mid xasilloon.

sidoo kale, Hargeysa waxaa xalay ka dhacay isku dhac u dhaxeeyay labo koox oo dhallinyaro magaalada wada degan ah, waxa uuna isku dhacaasi sababay dil, taas oo keentay in booliiska qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo xal loogu raadinayo rabshadaha magaalada kusoo noqnoqday.

Dhanka kale, war kasoo baxay booliiska Somaliland, ayey ku sheegeen in ay xalay fuliyeen howlgal degdeg ah kaddib markii dhallinyaro iska soo horjeeday isku dhaceen, waxa ayna booliiska sheegeen in isku dhaca uu sababay in uu geeriyoodo Khadar Axmed Nuur.

Booliiska Somaliland, ayaana sheegay in ay gacanta ku hayaan 14 dhallinyaro ah oo ku eedeysan falka dilka ah ee xalay ka dhacay magaalada Hargeysa, waxa ayna booliiska sheegeen in eedeysanayaasha si degdeg ah loo horgeyn doono hay’adaha garsoorka.

Ugudambeyntii, Taliska booliiska Somaliland ayaa ugu baaqay waalidiinta ku dhaqan magaalada Hargeysa in si dhaw ula socdaan dhaq dhaqaaqa carruurtooda, si looga hortago in magaalada ka dhacaan rabshado lamid ah kuwii xalay dhimashada sababay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News