SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo cusub

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee Degmada Hodan.

Sidoo kale, guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, guddoomiyaha Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho, kuwooda aan culeeska amni ka imaaneenin, si loo fududeeyo isku socodka bulshada, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo hey’addaha amniga.

Sikastaba, Munaasadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Yabooh, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato, hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News