Mandheere (KAAB TV) – Xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay saacado kooban u qabatay in ciidamada Jubbaland ee ka baxsaday dagaalkii ka dhacay Beledxaawo ay uga baxaan xuduudda Kenya.
Sidoo kale, Saraakiil Soomaalida ah oo ku sugan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ee xuduudda ka talaabay haatana ku sugan Mandheera ay u sheegeen in 24 saac Mandheere.
Dhanka kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Kenya ay ku adkeysaneyo in ciidanka Jubbaland ka baxaan aaga Mandheere ee gobolka waqooyi Bari Kenya, si arrintan Kenya aysan ugu noqonin mid khilaaf kala dhex abuuri karta dowladda Soomaaliya.
Majiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland, kaddib markii ciidamadooda ku sugan gobolka waqooyi Bari Kenya lagu amray in ay isaga baxaan halkaasi.
Sikastaba, arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii Cadaadis ay Kenya kala kulantay dowladda federaalka, lamana oga halka ay ku dambey doonaan ciidankaas.

