Garoowe (Kaab TV) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa digniin ayaa digniin udiray Siciid Deni oo ah madaxweynaha maamulka Puntland.
Waxaan aaminsanahay dowlad waqtigeeda bilo ka haray in ay fara fareyso Dastuurka ay ka dhalan karto cawaaqib xumo weyn furitaanka Dastuurka maamulkaasi iyo dhibaato aan laga bixi karin waxyaabo kale oo badan ayaa la isku haystay doorashada nooceeda sax ma tahay, iyadda oo aan la dhameyn iyo wixii horey uga dhacay saddexdii degmo, marka haddii wax kale lagu sii daro harti caloosha laga raray bay noqoneysa ayuu yiri.
Faroole ayaa hoggaamiye ka ah urur siyaasadeedka Horseed ayaa sheegay in xiligan aysan jirin duruufo an laga fursan karin oo qasbaya in lafuro Dastuurka wuxuuna si cad udiiday in dano shaqsi loo furo dastuurka Puntland wax ka bedelna an lagu sameyo qoddobada qaar.
Faroole ayaa waxa uu ku eedeeyay Saciid Deni inuu tallaabadan u qaadayo ay tahay sii joogitaanka kursiga madaxweynaha awgeed taasi oo uu sheegay inay dhibaato horleh u horseedi doonto maamulka Puntland haddii aan laga joogsan.
Dowladda uu madax ka yahay Saciid Deni haka waantowdo Wixii dhibaato ku ah maamulka Puntland hadii ay ka joogi weyso iyadda hadhow masuul ka noqoneysa waxaa leeyahay dadka dalka u dhashay ee wixii la doono la iska marsado wax dib ka xumaan doono horey yaan loo taaban.
Si kastaba, Madaxweyne Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.