SO | EN

SO | EN

Dagaal Beeleed Khasaaro Geystay oo Ka Socda Deegaanka Garasle

|

GALGADUUD (KAAB TV) – Dagaal beeleed culus ayaa weli ka socda deegaanka Garasle ee gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha deegaanka.

Dagaalka ayaa u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Balanballe iyo Guriceel, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira dilal hore iyo muran ka dhashay milkiyadda dhulalka deegaanka.

Wararka laga helayo dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku sugan waqooyiga Galgaduud, ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah ee waxyeellada.

Goobta lagu dagaalamayo ayaa ah meel aan si toos ah uga talin maamulka dowlad-goboleedka Galmudug, waxaana sidoo kale ay u dhowdahay xadka uu Galgaduud la wadaago dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News