CARMO (Kaab TV) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dalka Puntland uu u baahan yahay difaac adag, isagoo sheegay in weerar dhinacyo kala duwan uu ku socdo.
Wuxuu ka hadlay munaasabad ay ku qalinjabinayeen in ku dhow 500 askar boolis cusub oo Puntland ay tababartay kuwaas oo maanta qalinjabintooda ay ka dhacday degmada Carmo ee gobolka Bari.
“Dowladda Puntland waxaa lagu aas aasay duruuf adag burburkii ka dib,” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo u khudbeynayay saraakiil, askar iyo mas’uuliyiin Dowladda Puntland.
Deni wuxuu sheegay in 27 sano ka dib Puntland ay goosatay inay tayeyso oo ay dhisto ciidamadeeda iyo hay’adeheeda dowladda.
Wuxuu amaanay Dowladda Imaaraadka Carabta oo taageereysa mashruuca dhismaha iyo tayeynta hay’adaha dowladda Puntland.
Wuxuu madaxweynuhu sheegay inay tahay in loo diyaargaroobo Puntland gude iyo dibad sida uu yiri.
“Dalka Puntland iyo deeganadiisa difaac adag buu u baahan yahay, weeraro kala duwan baa dhinacyo kala duwan kaga socda,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wuxuu walaac ka muujiyay in Soomaaliya ay wajahayso rajo xumo, isagoo sheegay in qabyaaladdu ay ku milantay dowladnimada.
Madaxweyne Deni wuxuu ammaanay sida guusha leh ee uu ku dhacay hawlgalkii Calmiskaad ee ay ciidanka Puntland ku dagaalameen kooxda argagixisada ee Daacish, kaasoo sida uu sheegay dhowaan ay ciidamadu u tallaabi doonaan buuraha Calmadow oo kooxo argagixiso ah ay ku dhuumaaleynayaan.
Maalashiga
Wuxuu sheegay in ka dib hawkgalkii Calmiskaad haatan Puntland ay soo jiidatay indhaha maalgashiga caalamiga.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland aysan dooneyn in Soomaaliya weligeed burbur ku jirta, hase ahaatee Puntland aysan dooneyn inay sugto haddii dalka intiisa kale ay burbursan yihiin.
“Haddii Soomaali inteeda kaleeto meelo kale ay duruufo ka jiraan, waxaa la rabaa in meelaha ay Puntland ka mid tahay ay noqoto tusaale lagu dayan karo oo beri ka maalin iyada ay u noqoto hooy badbaadada dambe ee dalka,” ayuu yiri Deni.
Hadalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay wajahayso dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish (ISIS Somalia), oo muddo ka badan sagaal bilood ciidamada Puntland kula dagaallamayaan buuraha gobolka Bari.
hase ahaatee waxay Puntland dhanka kale wajahaysaa xiisado ka aloosan gobollada Sanaag iyo Sool, halkaas oo Dowladda Federaalka ee Xasan Sheekh Maxamuud ay dhowaan ka bilawday dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Puntland.
Isku dhacyo dhimasho sababay ayaa bishii hore ka dhacay gobolka Sanaag, ka dib markii kooxo hubeysan oo ka horjeeda Puntland ay damceen inay kulamo siyaasadeed ku qabsadaan degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.
Puntland waxay sidoo kale diidan tahay maamulka cusub ee Khaatumo oo hadda loo bedelay Maamulka Waqooyi Bari kaas oo ay dhismihiisa gadaal ka riixeyso Dowladda Muqdisho.

