Ciidanka Itoobiya oo xiray taliyaha Booliska Doolow

|

GEDO (KAAB TV) –Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan degmadda Doolow ee Gobalka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Taliye Cabdi Casiis Ooyaaye oo ahaa Taliyaha Saldhigga Dagmadda Dooloow ee Gobalka Gedo

Xariga ayaa yimid kadib markii uu diiday amar kaga yimid dhanka Ciidamadda Itoobiyaanka ee ku sugan Doolow ee Gobalka Gedo.

Dhanka kale, waxaa shalay maalintii labaad ku sugan Magaaladda Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose wafdi uu Hoggaaminaayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda NIS ee dalka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu manta u amaba baxay dhanka dalka Itoobiya, waxaana intii uu ku sugnaa Kismaayo kulan kula qaatay madaxda ugu sareysa e Jubbaland, iyaoo ka wada hadlay xiisada gobolka Gedo oo ay iksku hayaan madaxda DF iyo kuwa Jubbaland.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News