Muqdisho (KAAB TV) – Xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in haatan uu socdo qorshe culus oo ay wadaan qaar kamid ah Madasha Samatabixinta mucaaradka, kuwaas oo doonaya inay dhistaan xisbiyo siyaasadeed, kaddib markii ay ku qanceen hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh wado.
Sidoo kale, xisbigan cusub ayaa waxaa lafaliyaa in ay ku dhawaqaan biri iyo wixii ka dambeeyo, Reysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Dhanka kale, Saddexdan nin oo hadda u muuqdo inay dhinac uga bexeen xubnaha kale ee mucaaradka ayaa doonaya in ay ka qeyb galaan doorashada golaha deegaanka oo larajeynaayo in dhamaadka bisha October ka dhacdo muqdisho.
Kala qeyb sanaantan cusub ee haatan soo shaac baxday ayaa uga siidari karta xaaladda mucaaradka, iyadoona taas bedelkeeda ay fursad utahay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.
Todobaadkii hore waxaa dhacay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo iyana ka tashaday qaab-dhismeedka Madasha Samatabixinta, si ula fal-galaan isbeddalka yimid ee ka dhashay burburka wada-hadalkii ay kula jireen Madaxweyne Xasan Maxamuud.
Seddexdan nin ayaa iyagana isla qaatay in ay dhisaan midow musharaxiin oo cusub, taas oo ujeedadu tahay in lamideeyo awooda musharaxiinta.
Sikastaba, arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii guddiga doorashooyinka ee lagu muransanyahay ay maanta soo saareen go’aan culus oo laxiriira in muddo kooban dib loo furay isdiwaangelinta Ururada siyaasada, taas oo looga gol leeyahay sidii fursad loo siin lahaa Ururada cusub ee raba in ay hadda is diwaangeliyaan.

