Xiisad colaadeed oo ka taagan Gobolka Gedo

|

Balad-xaawo (KAAB TV) – Xiisado colaadeed ayaa ka taagan gobolka Gedo ee Soomaaliya, iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo in mar kale uu dagaal hubeysan ku dhex maro ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, gaar ahaan agagaarka degmada Balad Xaawo ee dhacda xuduudka istiraatiijiga ah.

Gobolka lagu muransan yahay oo intiisa badan hoos taga maamulka Jubaland ayaa waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed iyo mid ciidan, iyadoo ciidamada iska soo horjeeda ay isku diyaarinayaan dagaal.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaano kala duwan oo Gedo ka tirsan, waxaana la soo sheegayaa in ciidamo taabacsan dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ku soo wajahan yihiin meelo aad ugu dhow.

Ilo wareedyo ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ee dhawaan laga saaray Balad-Xaawo ay dib isu soo uruursadeen, waxayna abaabul ka wadaan deegaanada ku xeeran — taasoo sii kordhisay cabsida laga qabo in weerar rogaal celis ah lagu qaado magaalada.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay ciidamadeeda ku sugan gobolka, waxayna heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Balad-Xaawo iyo nawaaxigeeda.
Xiisadan oo cirka isku sii shareertay ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku dooneyso in gobolka Gedo loogu dhiso maamul cusub oo ka madax banaan madaxda Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qorshahaas ayaa durba ka socda magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in wafdi ka socda Muqdisho la filayo inay maalmaha soo socda tagaan Balad-Xaawo, si ay u dar-dar geliyaan dhismaha wax ay dadka qaar ugu yeeraan Jubbaland cusub oo la safan maamulada Federaalka.

Dadka deegaanka iyo ururada bulshada rayidka ah ee gobolka ayaa walaac xooggan ka muujiyay suurtagalnimada in mar kale uu dagaal dhaco, iyagoo ka digay dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhalan kara dadka rayidka ah ee ku dhex jira loolanka siyaasadeed ee socda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News