5 Bil kaddib Xildhibaan Afweyne oo iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) -Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa iska casilay Xubinnimada Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa, si dhab ah looma shaacin sababta ka dambeysa in uu iska casilo kursigaan uu ku fadhiyo muddo 5 ah.

Sadiiq Afweyne oo ah wiilka Xildhibaan Afweyne ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Waxaan halkaan ka cadeeynaya in aabahey Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) iska casilay xilkii Xildhibaanimo ee uu ku matalaayay bulshada reer Galmudug gaar ahaan reer Cadaado isaga oo uga tagay sababo jiro awgeed.”

Afweyne ayaa ku guuleystay kursiga HOP#248 kaddib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug 4tii Maarso sanadkaan 2025, waxa uu sidaas ku buuxiyay kursigaan oo muddo bannaanaa.

Xildhibaanka is casilay waxa uu muddo 12 sano ah ku xirnaa dalka Biljamka, waxaa horay kursigaan ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ku waayay sabab la xiriirta in uu aqbalay xilka Agaasime ku xigeenka Hay’adda NISA.

Kursiga HOP#248 ayaa kamid noqonaya kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka, waxaa jira warar kale oo sheegaya in dib loogu celinayo Saadaq Joon oo horay ugu fadhiyay kursigaan inkasta oo aanay jirin war kasoo baxay dhankiisa.

Maxamed Cabdi Xasan oo loo garan og yahay Afweyne ayaa 1958-kii ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug, isaga oo ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay burcadbadeedii Soomaaliya 2005-tii mar qura ka hana qaatay magaalooyinka Hobyo iyo Xarardheere oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Maxamed Afwayne ayaa October 2013-kii ciidamada Booliska ee dalka Biljamka ka xireen garoonka Brussels, ka dib safar uu ku gaaray dalkaas, taas oo sababtay in sanadkii 2016-kii la hor geeyo Maxkamad oo ku xukuntay Xabsi, isaga oo ugu dambeyn laga daayey December 19, 2024-kii.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News