Doxa (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa cambaareeyay xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka mid ah odeyaasha dhaqanka Gobolka Banaadir.
“Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan” ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas uu sheegay in ay dhaawacayso dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka.


