Ciidamada Kenya oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabay Mandheera

|

MANDHEERA (KAAB TV) – Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka billaabay qaybo kamid ah Ismaamulka Mandheere kaddib markii ay kordheen falalka nabadgalyada liddiga ku ah ee lagu eedeynayo in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Kenya oo kaashanaya kuwa Ismaamulka Mandheera ayaa beegsanaya goobo gaar ah oo ay ku tuhmayaan in ay kasoo weerar tagaan xubnaha katirsan Al-Shabaab kana gudbaan marka ay wax afduubtaan.

Kenya waxa ay shaacisay in ay xoogga saarayso adkaynta amniga Ismaamulka Mandheera oo maalmihii lasoo dhaafay laga diiwaangeliyay dhacdooyin kahor imaanaya xasiloonida isla markaana walaac ku abuuray Bulshada.

Kooxo hubaysan ayaa Jimcihii afduubtay mid kamid ah Gawaarida Dowladda Hoose ee Mandheera, wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa dhacay kulamo looga hadlay sidii looga hortagi lahaa falkaas loona qaban lahaa kooxahaas.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Mandheera Maxamed Adan Khalif ayaa walaac ka muujiyay kooxo maleeshiyaad Soomaali ah oo dhowaanahan ku dagaalamayay xuduudda dhanka degmada Beledxaawo ee Soomaaliya.

maleeshiyaadkaasi oo kala taabacsan Cabdirashiid Janan iyo maamulka Jubaland ayaa dagaalo dhimasho iyo barakac badan sababay ku dhexmaray Beledxaawo labadii bilood ee u dambeeyay.

Maleeshiyaadka Cabdirashiid Janan ayaa waxaa taageeraya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Walaaca dowladda Kenya ayaa ah in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’ideysatay degganaansho la’aanta, isla markaana ay weeraro dad lagu afduubay ka geysatay gudaha Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News