JOWHAR (KAAB TV) – Khilaaf xooggan oo soo soo bilowday labo maalin ka hor markii Taliyaha booliska Soomaaliya uu u magacaabay saldhiga booliska Magaalada Jowhar taliye cusub ayaa ka taagan magaalada Jowhar.
Taliyaha Booliska Dowladda Federaalka Asad Cismaan ayaa magacaabay Maxamed Cali Siyaad (Canjeex) inuu noqdo Taliyaha Booliska Jowhar.
Waxaa magacaabistaas caro xooggan ka muujiyay madaxda ugu sarreysa maamulka Hirshabeelle.
Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Xasan Dhicisow Xasan, oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isaguna Cabdifataax Arwaax Aadam, inuu noqdo taliyaha cusub ee saldhiga Jowhar.
Xiisad ka dhalatay magacaabista iska horjeedda ayaa cirka isku sii shareertay.
Xiisadda ayaa isu rogtay hab qabiil iyadoo labada nin ee lasoo kala magacaabay ay ka kala soo jeedaan jufo hoosaadyo kala duwan.
Ilo wareed ku dhow madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in isbadalkaan ay Dowladda Federaalka ku sameyneyso saraakiishii u dhawaa madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, in ay tahay in ay Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud dooneyso Hirshabeelle inay geyso madaxweyne iyada ay wadato.
Hirshabeelle ayaa ah maamulka kaliya ee weli muddo xileedkiisu aanu dhammanin, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dhammaadka sannadkan laga yaabo in Cali Guudlaawe uu abaaulo doorashada maamulka, taas oo uu isagu markale u sharraxan yahay.
Dadka ku nool Hirshabeelle ayaa sheegaya inaysan jirin wax horumar ah oo ka hirgalay deegaanada maamulka, iyadoo kooxda Al-Shabaab dib u qabsatay meelo badan oo ka mid ah labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Hase yeeshee xiisaddan cusub ayaa laga cabsi qabaa inay gacan-ka-hadal isu rogto.

