Moscow (KAAB TV) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sicad uga soo horjeestay soo-jeedimaha Reer Galbeedka ee ku aadan in ciidamo lageeyo Ukraine maalinta xigta marka xabbad-joojin la gaaro, kadib shir ka dhacay magaalada Paris oo lagu doonayay in lagu dhameystiro qorshayaasha dammaanad qaadka amniga Ukraine.
Sidoo kale, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in 26 ka mid ah xulafada Ukraine ay si rasmi ah uga go’an tahay inay ciidamadooda geeyaan “dhul, bad iyo cirba” si ay gacan uga geystaan sugidda ammaanka xilliga uu dagaalka istaago. balse, Macron ma uusan sheegin magacyada dalalka ku lugta leh qorshahan.
Dhanka kale, madaxweyne Putin ayaa isku dayay inuu joojiyo dadaalkaas, isagoo digniin u diray in ciidamo kasta oo la geeyo Ukraine ay noqon doonaan “bartilmaameed sharci ah,” gaar ahaan haddii ay hadda muuqdaan, inkasta oo aan jirin qorshe deg-deg ah oo ciidan lagu dirayo.
Hadda waxa muuqata rajo yar oo laga qabo xabbad-joojin, kaddib shirkii bishii hore Alaska ku dhexmaray Putin iyo Madaxweyne Trump oo ay si kooban kor ugu qaadeen rajada la kulanka Volodymyr Zelensky iyo heshiis nabadeed oo suurtagal ah.
Trump ayaa markaas kadib kusoo dhigay bartiisa bulshada in taasi “Waxay u muuqataa in aan luminay Hindiya iyo Ruushka, una gacan galnay Shiinaha madow ee ugu qotada dheer,” isagoo hoosta ka xariiqaya sawir muujinaya saddexda hoggaamiye ee dalalkaasi kulankoodii ka dhacay Tianjin Talaadadii.
Sikastaba, afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa bogaadiyay dadaalka wax ku oolka leh ee Trump uu ku raadinayo xal, laakiin wuxuu weeraray “dadaalka guracan ee dalalka Yurub ee kicinaya sii socoshada dagaalka”.

