MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee Jimcaha weerar ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya baabuur qaraxyo lagu soo buuxiyey.
Waxaa la soo wariyay khasaare dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tirada rasmiga ah aan la shaacin.
Taliye ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Cabdi Farey ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degmada Ceeldheer oo horey looga qabsaday kooxda, balse weli muhiim u ahayd dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka.
Guddoomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Cumar, ayaa sheegay in ciidamada militariga iyo maleeshiyaadka deegaanka ay iska caabiyeen weerarka.
“Hore ayaan uga warqabnay dhaq-dhaqaaqooda, waxaana na soo weerareen iyagoo la difaacayo magaalada. Runtii jab weyn ayaan gaarsiinnay,” ayuu yiri guddoomiyaha Ceeldheer oo hoos taga maamulka Galmudug.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaallo muujinaya askar ay sheegeen inay ku qabteen dagaalka Ceeldheer, kuwaas oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka.
Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay inay qabsadeen gaadiid dagaal, hub, saanad ciidan, raashin iyo dawooyin ay halkaasi kaga tageen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo sheegay in dagaalka lagu jabiyay Al-Shabaab, ayaan ka hadlin askarta lagu qabtay dagaalka iyo gaadiidkii ay kooxda la wareegtay.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa u sheegay Kaab TV in weerarka Ceeldheer uu leeyahay shaki badan, maadaama inta badan weerarrada Al-Shabaab ay ku salaysan yihiin qaraxyo iyo weerar gaadmo ah.
Mid ka mid ah ilaha ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidanka joogay Ceeldheer ay ka baxeen magaalada ka hor weerarka, taasina sababtay in qaar ka mid ah askarta oo hurda ay gacanta u galaan kooxda.

“Waxa ka dhacay Ceeldheer waxaa la dhihi karaa fadeexad qaran,” ayuu yiri Cabdi Macaw oo ka hadla arrimaha ammaanka “Argagixisada waxay si fudud ula wareegeen degmada Ceeldheer muddo kooban iyagoo hub, gaadiid iyo askarba ku qabsaday halkaas.”
Macaw iyo dad kale ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo dhacdada Ceeldheer iyadoo shakigu yahay inuu jiray wada shaqeyn hoose oo xubno dowladda ah ay la yeesheen Al-Shabaab taas oo fududeysay weerarka.
Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin sida gaadiid ciidan oo ku sugnaa goobta dagaalka ay si fudud gacanta ugu galeen Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab oo intii u dhexeysay sanadihii 2022–2023 laga saaray deegaano badan oo ka tirsan bartamaha Soomaaliya, ayaa dib ula wareegay qaybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Weerarka Ceeldheer ayaa u muuqda mid muujinaya in kooxda argagixisada ay sii ballaarinayso howlgalada ay ka waddo bartamaha dalka, iyadoo sidoo kale maleeshiyaadkooda ay cadaadis ku saarayaan magaalada Muqdisho oo ay goobo ku dhow caasimadda ka joogaan, taas oo khatar weyn ku ah amniga dalka.

