MOGADISHU (KAAB TV) –Mudo sedex maalmood ah checkpoints laga galo Aiportka Muqdisho waxa lagu soo rogay amar ah “ qof NIRA CARD, ma geli karo xeendaabka garoonka mana ma dhoofaayo Aaden Adde Airport,
Saacadahii lasoo dhaafay dad badan oo ka dhoofi lahaa Airport ka Muqdisho ama dano kale u aadi lahaa garoonka iyo xeendaabkiisa ayaa laga hor istaagay isu socodkooda, kuwaasoo ugu dambeen lagu qasbay bixinta lacago laaluush jid mar ah iyadoo dadka qaarna telfoono wacdeen,
Mid kamida dhalinyarada QURBE JOOGTA soomaaliyeed oo watay baasaboorka dalka Sweden kuna socday garoonka diyaaradaha ayay Askarta dowladu ku xayireen checkpoints xeendabaka Airport ka kadib markii laga waayay Kaarka NIRA oo uu sheegey inaanu baahneen waajibna ku eheen isaga maadaama uu dalka Kuso galay basaboor ajinabi iyo Visa dal ku gal,( Waa kan pasoorkayga iyo visaha),
Askarigan oo fahmi waayay NIRA cidey waajib ku tahay, iyo ninka qurba joogta ah oo is’garan waayay, jeebka gacanta gelin diiday ayaa sii fogeysay dooda,taasoo markii dambe sababtay in uu wacdo masuul dowlada ka tirsan oo jufadiisa hoose ah, kaasoo markii dmabe ( hab wacitaan sare ah ) kaga daayay checkpointigii saacad iyo barka ku xayirnaa,
“Dhowr maalin kahor ayay aheyd xiligii uu madaxwaynaha soomaaliya Xasan sheekh goob fagaare ah dadka ku amray in la qaato Kaarka NIRA isagoona raaciyay hay’addaha dowlada iyo shirkadaha inaan adeeg u qaban karin qof ka aanu wadan Kaarka aqoonsiga,” —~
Saraakiisha dowlada oo amarkaa qaatay ayaa u muuqda kuwa dhaqangeliyay iyadoona la socon faham xeerka qaadaashada NIRA iyo mid ka jinsiyadaha dalka si loo dhowro xaquuqda muwaadinka iyo ajinabiga, taaso ah miduu aminsanaa madaxweynahaha xilka hada haaya,
Taliyaha ciidanka 4checkpoint ee airportka Taliye cali Dheere ayaa amarkaasi kusoo rogay shacabka musafairiinta ee isticmaalaya wadoonyinka gala garoonka Aaden Adde Airport iyo dadka degen xeendaabka garoonka oo uu ka reebayo gawaarida saaranyiihiin iyadoo qofkii laga laga wayo NIRA laga qaadayo shaafto,
Qaadashada NIRA
Qaadashada Kaarka NIRA oo ah midey dhowaan u dhaqaaqeen dadka Muqdisho kunool hadana waxa xusid mudan’ muwaadinka xareesta/dalbada ku qaadan kartaa helistiisa NIRA mudo sedex bilood iyo wixii kabadan, kuna darsoo %1 dad lagu qiyaasay ayaa Muqdisho ka qaatay, waxayna dowladu amar kusoo rogtay malaayiin dad ah kaarka qaadan, ciidamaduna waa ay fulinayaan,( sow layaab maaha)
Sida muuqata Madaxweynaha qorsho kama lahan sida ugu wanaagsan ee dadka ku qaadan karaan NIRA, mana jirto wacyigelin cilmiyeysan oo dowladu sameysay marka laga reebo muuqaalo baraha bulshada lagu faafiyay “qaado Kaarka NIRA WAA BILAASH”, goobaha ganacsiga iyo xafiisyada dowlada laguma haayo wacyigelin ku filan dadka hadana waa la dabaqayaa,
Dhinaca kale Askarta iyo saraakiisha dowlada NIRA iyo waxa ay tahay iyagoo la fahansiin sida muuqata ama aanu ka arki karno cabashada ka imaaneysa shacabka, hadana ma jirto saraakiil si gaar loogu tababaray taabagelinga kaarka qaranka,
intaasoo is biiraaday, caqabadaha ka dhashay ayaa NIRA ka dhigtay mid kamida farsamooyinka dadka shacabka lagu dhibaateen doono iyadoo musuq lacago urursi laga dhex bilaabay,

