Sacuudiga (KAAB TV) –Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay inuu geeriyooday Shiikh Cabdilcasiis Al-shiikh oo ah Mufdigii ugu weynaa dalka Sacuudiga iyo Madaxa Golaha Sare ee Culimada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Muftiga uu door ka qaatay adeegida bulshada, cilmiga, Islaamka iyo Muslimiinta.
“Geeridiisa, Boqortooyada iyo dunida Muslimka waxa ay waayeen caalim weyn oo caan ah, kaas oo door muhiim ah ku lahaa u adeegidda cilmiga, Islaamka iyo Muslimiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka Qasriga Boqortooyada.
Boqor Salman Bin Cabdilcasiis iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salman ayaa tacsi u diray qoyskiisa, shacabka Sucuudiga iyo guud ahaan Muslimiinta.
Al-Asheikh ayaa xilkan loo magacaabay sannadkii 1999-kii, wuxuuna ahaa culimadii ugu sarraysay ee boqortooyada, isagoo fasiri jiray shareecada Islaamka, wuxuuna ka soo saari jiray fatwo ku saabsan arrimaha sharciga iyo bulshada.

