SO | EN

SO | EN

Puntland oo aas qaran ku sagootisay Jeneraal Qalyare oo ay dishay ISIS

|

GAROWE (Kaab TV) – Jeneraal Cabdi Ali Qarjab (Qalyare) oo ahaa Taliyihii guutada labaad Ciidanka Puntland oo lagu dilay Qarax Miino oo ka dhacay degaanka Dhasaan ee Calmiskaad Talaadadii ayaa lagu aasay magaalada Garowe, ee caasimadda Puntland.

Jeneraal Cabdi Ali Qarjab (Qalyare) ayaa ku dhintay qarax miino oo kooxda argagixisada Daaciish (ISIS-Somalia) u dhigeen xilli uu hawlgal ka waday deegaanka Dhasaan.

Waxaa sidoo kale la geeriyooday mid ka mid ah askartii ilaalada u ahayd Qalyare.

Wuxuu ka mid ahaa saraakiisha muhiimka ah ee ciidamada Puntland, ee ku jiray dagaalka Puntland ku qaaday kooxda Daacish.

Wuxuu hoggaaminayay guuto ciidanka oo loo yaqaanay Duufaan.

Dagaalkan ayaa hadda ku dhow sannad, iyadoo ciidamada Puntland ay ku guuleysteen inay dhul fara badan ka xoreeyaan kooxda argagixisada ee Daacish.

Jeneraal Qalyare wuxuu udub dhexaad u ahaa hoggaanka ciidamada, waxaana geeridiisu ay muujineysaa sida ay u halis badan tahay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, kuwaas oo weli ku dhuumaaleysanaya deegaano kala duwan.

Aaska Jeneraal Qalyare waxaa ka qeybgalay saraakiil ciidan, mas’uuliyiinta Puntland iyo dadweyne ay ku jiraan ehelkiisa.

Madaxda sare ee Puntland oo aaska ka qeybgashay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka mid ahaa madaxda ka qeybgashay.

Madaxweynaha ayaa xusay AUN Jeneraal Qalyare inuu ahaa Sarkaal wakhti badan kusoo bixiyey difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, marxladkasta iyo duulaankasta oo lagu soo qaado Puntland, hadana wuxuu si firfircoon oo geesinimo leh qeyb uga ahaa Hawlgalka Calmiskaad ka socda.
Wuxuuna Allaah uga baryay inuu janadii geeyo, dhammaanteenna Samir iyo iimaan inaga siiyo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor, ayaa isaguna ka qeybgalay salaada jinaasada oo lagu tukaday maydka Allaah ha u naxariistee Gen. Axmed Abdi Cali (Qalyare).

Jeneraal Qalyare oo janaaso lagula tukaday Garowe.
Jeneraal Qalyare oo janaaso lagula tukaday Garowe.

Madaxtooyada Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku-dhawaaqday in barxada caasimada Garoowe loogu magac daray Allaah ha u naxariistee Jeneraal Qalyare, si loogu xasuusto halgankii uu dadkan iyo dalkan u galay oo uu ku shahiiday, wuxuu ahaa sarkaal marxalad kasta ugusoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, geesi aan gaban oo door muhim ah ka qaatay Difaaca dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed oo dhan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News