HARGEYSA (Kaab TV) – Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa baaraya sidii ay u dhacday in labo nin oo watay baasaboorka dalka Georgia ay usbuucii hore dhac khiyaameysan ay uga geysteen magaalada caasimadda ee Hargeisa. W
Labada nin oo laga arkay muuqaalka camerada CCTV ayaa la baxsaday dahab silsilado ah oo gaaraya illaa 340 gram una dhigma $42,000.
Sida dhacdadu u dhacday ayaa ah qaab tuuganimo ay ku dheehan tahay khiyaamo, ka dib markii labada nin oo watay taksiile maxalli ah ay booqdeen dukaan dahabka lagu iibiyop oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa.
Saakhiya Ibraahim, oo ah haweeney ganacsato dahanka ah oo dukaanka iibineysay ayaa warbaahinta u sheegtay in nimanka ay ku soo laa laabanayeen muddo afar maalmood ah, oo ay hadba iska dhigayeen macaamiil dahab ka iibsanaysa.
“Muddo afar maalmood ah ayay igu soo laalaabanayeen, oo ay wax iga iibsanayeen. Maalinkii 22ka Sebtembar ayay iga codsadeen dahab silsilado badan, ka dibna way ku qanceen. Waxay ku riteen boorso yar, ka dibna way ii soo celiyeen iyaga oo igu yiri waxaan lacag kala soo baxaynaa ATM-ka,” ayey tiri Saakhiya oo hadda ah dhibbane falkan tuuganimada casriyeysan ah.
Nasiib darro tuugadan ku safreysay baasaboorka Georgia ayaa haweeneyda waayeelka ah u bedelay dahabka iyada oo dahabkii saxda ah ku ritay boorso kale oo ay siteen, ka dibna dahabkii bedelkiisa waxay haweeneyda u dhiibeen silsilado maar ah oo dahab loo ekeysiiyay.

“Waxay igu yiraahdeen dahabkii halkan buu ku jiraa ee noo sii hay. Marka aanu lacagta lasoo baxno 1:00pm saacadda gudaha ayaanu kuu imaneynaa,” ayey sii raacisay Saakhiya.
Saakhiya waxay sheegtay inaanay marnaba ka shakin nimanka.
Labada nin ayaa isla galabkii Isniinta ee 22ka Sebtembar ka dhoofay garoonka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Haweeneyda ayaa sheegtay in nimanku oo xirnaa muraayado (ookiyaalo) madow aysan ku hadlin wax badan, balse kaliya ay ku celcelinayeen “Somaliland waa cajiib” iyo “Somaliland waa dal qurux badan.”
Mid ka mid ah ayaa xirnaa koofiyad food dheer leh (baseball cap).
Saakhiya oo u shaqeysata carruur agoon ah ayaa dukaanka dahabka ka hesha masruufka qoyskeeda, balse hadda waxay wajahaysaa khasaare laxaadleh oo ay adag tahay inay kasoo waaqsato maadaama in ka badan kala bar dahabkii ay iibineysay la dhacay.
Saraakiisha waaxda socdaalka Hargeysa ayaa sheegay inay soo gaartay cabasho ka timid haweeneyda dahabka laga dhacay, balse ay ahayd goor ay dhooftay dayuuraddii FlyDubai oo ay tuugadu ka raaceen garoonka taasoo u duushay magaalada Dubai, ee Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Booliska Somaliland iyo mas’uuliyiinta laanta duulista hawada ayaa sheegaya inay xiriir la sameeyeen mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.
Dhacdadan ayaa noqoneysa dhac khiyaameysan kuwa ugu casrisan ee dhowaanahan ka dhaca Somaliland oo ay geystaan ajaaniibta soo galaysa Somaliland.
Somaliland oo ah dal aan weli la aqoonsan hase yeeshee ah amni ayaa soo jiitay dalxiisayaal ajnabi ah oo had iyo jeer soo booqda Somaliland.
Mas’uuliyiinta Somaliland waxay bishii hore ku dhawaaqeen in dal-ku-galka ay ka dhigeen mid laga heli karo garoonka dayuuradaha.
Warbaahinta gudaha ayaase sheegtay in loo baahan yahay in lasoo rogo hannaan lagu hubinaayo dadka ajaaniibta ah ee dalka soo gala si looga hortago fal dembiyeedyo ay ka galaan muwaadiniinta.

