GAROWE (Kaab TV) – Kaab TV ayaa magaalada Garowe ku wareystay Prof. Cabdi Axmed Baafo, oo horey u soo noqday Wasiirka Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee si weyn loogu yaqaan arrimaha taariikhda, dhaqanka iyo dhaxal reebka jiilka cusub.
Wareysigan gaarka ah, Prof. Baafo wuxuu kaga hadlayaa muhiimadda dhaxalka aqooneed iyo dhaqameed ee Soomaalida, kaalinta jiilka cusub ee mustaqbalka dalka, iyo sida aqoonta iyo taariikhdu ay u noqon karaan tiir lagu dhiso bulsho hufan oo horumar leh.

