SO | EN

SO | EN

Mucaaradka Puntland oo qaadacay heshiiska amni ee Puntland iyo Somaliland

|

GAROWE (Kaab TV) – Ururada mucaaradka ee Puntland ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Garowe waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

War saxaafadeed ay wadajir u soo saareen axsaabta kala ah Mideeye, Mustaqbal, Sincad iyo Ifiye ayay ku sheegeen in Madaxweyne Deni uu kaligiis galay heshiis sharci darro ah kaas oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland.

Xisbiyadu waxay sheegeen in heshiiska is garadka amni ee Puntland iyo Somaliland ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka Puntland.

“Heshiiskaasi ma aha mid ilaalinaya danaha Puntland, mana aha mid waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland,” ayey ku sheegeen war saxaafadeedka kasoo baxay afarta xisbi siyaasadeed ee Puntland.

Heshiiska iskaashiga amni ee Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Nairobi ayaa la shaaciyay Axaddii, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen inay yeeshaan iskaashi amni iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay inay ogoshahay in Somaliland ay ka tashato aayaheeda, halka Somaliland ay ammaanta kaalinta Puntland ee la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Hase ahaatee xisbiyada Puntland ayaa maanta sheegay in heshiiska Puntland la gaartay Somaliland uu “kaliya u adeegayo fikirka kala goynta Soomaaliya” sidau u dhigeen.

Dhanka kale, maamulka dhowaangalka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, oo xaruntiisu tahay Laascaanood ayaa iyaguna dhaliilay heshiiska kuna tilmaamay mid muujinaya in Puntland iyo Somaliland aysan raalli ka ahayn jiritaanka maamulka Waqooyi Bari.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News