SO | EN

SO | EN

Galgaduud: Qaabkii ay maleeshiyo beeleed u dileen haweeney iyo saddexdeeda gabdhood

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar maleeshiyo arxan daran ay habeenkii Arbacada ka geysteen tuulada Mircaanyo ee gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay kufsi ugu geysteen haweeney iyo saddexdeeda gabdhood ka dibna ay dileen.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saciid Siyaad Shirwac ayaa falkaasi ku tilmaamay mid argagax leh, wuxuuna ugu baaqay maamulka Galmudug inay deg deg u soo qabtaan maleeshiyaadka falka geystay.

“Waxaan cambaaraynayaa falkan oo ka baxsan bani’aadannimada, Soomaalinimada iyo dhaqanka Islaamka,” ayuu yiri xildhibaanka.

Dad deegaanka ku sugan ayaa Kaab TV u sheegay in malleeshiyo beeleedka oo ka timid dhanka degmada Cadaado ay weerareen tuulada Mircaanyo ka dibna ay soo qafaasheen haweeneyda oo lagu magacaabo Sahra Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood.

Maleeshiyo beeleedka oo ay dirir kala dhexeyso beesha degta Mircaanyo ayaa la sheegay inay markii hore raadiyeen seyga haweeneyda qabay balse markii ay waayeen ay kaxaysteen Sahra iyo saddexdeeda gabdhood.

Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maleeshiyada kufsadeen haweeneyda iyo gabdheheeda ka hor intaysan dilin, iyagoo adeegsanaya toorey iyo rasaas.

Saddexda gabdhood ayaa kala ah:

  1. Nuurto Axmed oo 13 jir ah
  2. Xaawo Axmed oo 17 jir ah
  3. Faa’iso Axmed oo 21 jir ah

Culimada deegaanka iyo dhallinyarada ayaa cambaareeyay falkan, iyagoo ku baaqay in beelaha ay kasoo jeedaan dhibbanayaasha ay is xakameeyaan.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa sabab u ah kororka colaad beeleedyada.
Maleeshiyaadka hubeysan ayaa sabab u ah kororka colaad beeleedyada.

“Ma ahan wax ay dhegeheenu maqli karaan ama indheheenu arki karaan. waa dhacdo fool xun oo aan horey noo soo marin,” ayuu yiri Sheekh Nuur Jaamac oo ka mid ah culimada gobolka Galgaduud.

Ka dib dhacdadan, waxaa lasoo warinayaa in dadka rayidka ay ka qayaxaan tuulooyinka miyiga ee Qaayib, Xiindheere iyo Mircaanyo iyaga oo ka baqanaya in maleeshiyaadka hubeysan ay weeraro kale geystaan.

Colaad beeleedyo dhiig badan ku daatay

Gobollada Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka socda colaad beeleedyo dhiig badan ku daatay, kuwaas oo salka ku haya aanooyin qabiil oo soo laalaabtay.

Maleeshiyaadka ayaa sii xoogeystay tan iyo markii ay abuurmeen kooxaha Macawisleyda oo ay hubeysay dowlada federaalka Soomaaliya, iyo maamullada qaarkood si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab, hase ahaatee haatan Macawisleyda laftooda ayaa dadka rayidka dhibaateynaya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News