SO | EN

SO | EN

Waan xoroobay

|

Habeen ay cimiladu diirranayd, daruuruhuna u ekaayeen kuwo raba in ay wax sheegaan ayaan u baxay hawl gaaban. Waddadaaan marayey ma ahayn mid cusub, balse dhacdada aan la kulmay ayaa ahayd mid jaad goonni igu ahayd. May ahayn dhacdo qorshaysneed—waxa ay ahayd mid aan kula kulmay indho cusub, ereyo kooban iyo dhoollacaddeyn dilaa ah.

Waxa aan si ku talogalnimada ka fog ula kulmay jilaaga ugu xanuunka kulul noloshayda, waxa uu ahaa mid deggan, hadalkiisa xarrago badan ka muuqato balse habeenkaa iigama duwanayn dadka aan sida kediska ah ula kulmo is barasho keddibna maskaxdayda ka baxa. Is xidhiidhin joogto ah keddib maalmuhu way socdeen, kulannada saaxiibtinnimada ahna way siyaadeen waxa aanan ka helay dareen aamusnaantiisa aan lahayn xanaaqa iyo xadantada toonna—waxa uu iga dhigay qof isku hallaynaya hadallo aan la odhan, muuqaal aan la turjumikarin iyo ifafaalle aan la gaadhi karin.

Habeen kasta oo aan la hadlo, subax kasta oo aan salaamo iyo muuq kasta oo aan isha ku dhufto waxa aan dareemayey in qalbigaygu bilaabay in uu si degdeg ah u fasiro dareen aan magac loo helin, waxa se hubaal ahaa in ay ficilladaasi ahaayeencunto aan nafta ku quudinayey si aanay u rafaadin. May ahayn hadallo uu isagu u arko gaar balse aniga waxa ay iga noqdeen nolol maalinle ah, waxa ay ka dhignaayeen daawo anigu aanan lahayn balse aan maalin walba cabbo si aan qalbigayga u dejiyo.

Waan jeclaaday, balse jacaylkaygu waxa uu doortay aamusnaan, waxa uu ahaa mid daboolan, waxa uu lahaa xishood uu kudhuunto, cabsi uu ku gaabsado iyo yididiillo uu ku noolaado marka aan wajigiisa arko. Waxa uu si dhakhso ah oo awood leh ugu qeexay naftayda in uu yahay jacayl dhab ah, isaga oo ii awood sheeganaya aniga balse ka fulaysan cigaal shiidaad. Waakan qalbigayga ka samaystay saldhig adag si bilaa ogaysiis ah, deggenaansho khasab ah keddib waxa uu diiday in uu cod yeesho waxa uuna ka baqay in uu ku dhawaaqo jiritaankiisa isla sida uu aniga si sir ah iigu dhawaaqay.

Waxa aan isku qariyey magaca saaxiibtinnimo, waa magaca ugu ammaanka badan ee lagu qariyo dareen la tuhunsanyahay. Waxa aan ka dhigtay cudurdaar aan kalgacaylka ku aasay si aanuu u muujin xaqiisa. Waxa aan noloshayda u habeeyey si uu isagu ugu jiro badhtamaha, waxa aan baray indhahayga in ay la socdaan wajigiisa, dhegahaygu in ay xafidaan codkiisa, qalbigayguna la gubto murugadiisa. Marka aan hurdo qalbigaygu wuu ka fekerayey, marka uu qoslo waxa aan dareemi jiray in uu iftiin igu filan yahay. Waxa aan isku qanciyey in isku filnaanshuhu yahay agjoogistiisa oo kali ah—xitaa haddii aanuu dareenka aan u qabo kawar qabin.

Muddo keddib waxa timi maalin. Waa maalin aanay qorrax jirin, haddana iftiinkeedu i gubayo. Maalin aan hadal jirin, balse dareenno gudaha ah igu qaylinayaan. Maalin qalbigaygu kadaalay in uu si qariyo oo is sasabo, maalin uu jabay date kii cabsidu kalsooniduna ay mar kale madaxa kor u qaadday—xitaa iyadoo gariiraysa. Waa maalin aan go’aansaday in aan kalgacaylkayga sharootada afka uga furo si uu ugu hadlo afkiisa, una qirto jiritaankiisa.

Waxa aan isku soo ururiyey cod aanan waligay sidaa u adeegsan, waxa aanan ku dhiirraday in aan ku idhaahdo “waxa aan dareemayaa wax ka weyn saaxiibtinnimo, daqiiqad kasta waan ku arkaa dareenkan qalbigayga balse kuma muujiyo wajigayga. Ma aqaan sida aad u aragto, balse jacaylka aan kuu qabaa wuu jiray muddo dheer—waxa uu u noolaa sidii ilmo aan wali dhalan oo uurka hooyadii ku cabudhsan, maanta se raba in uu dibaddausoo baxo si uu cod u yeesho.”

Waxa uu ii eegay si qoto dheer, aamusnaan leh, sidii qof hadaltabaya balse aan garanayn meeshii uu ka bilaabi lahaa. Indhihiisu waxa ay ahaayeen kuwo aan been sheegi karin, laakiin afkiisu ma dhaqaaqin daqiiqadna. Waxa uu i siiyey jawaab aamusnaan ah, waa aamusnaan hadal ka fudud, buurna ka culus. Ma odhan waan ixtiraamayaa dareenkaaga mana uusan odhan maya, waxa uu doortay aamusnaan isaga oo garanaya in aan jecelahay.

Waxa aan wajahay dhaawicii ugu murugada badnaa—jacayl aan la diidin, haddana aan la aqbalin, la ogyahay balse la iska indhotiray. Jacayl uusan jirin erey uu garab ka helay, wali se ka neefsanaya daloollada cidhiidhiga ah ee ugu hooseeya qalbigayga. Noloshaydu waxa ay isu bedeshay safar aan la wehelin, socod aan la tilmaamin iyo xasuus aan cidna lala wadaagi karin. Habeen kasta waxa aan la seexdaa su’aalo naftaydu i waydiiso si ay u nefisto, subax kastana waxa aan la kacaa farxad aan dhab ahayn oo qoomamo lagu qarinayo.

Waxa murugo kale ah in uusan iga tegin—ma noqonnin mid iga fogaaday si aan u illaawo. Waxa uu doortay in uu laabta iigaga sii taagnaado isaga oo aan cod iyo cudurdaar midna lahayn. Mar kale ayuu iisoo noqday isla wajigii, dhoollacaddeyntii iyo isla kaftankii. Waxa uu igula joogaa saaxiibtinnimadii aan isaga u isticmaali jiray si aan qalbigayga ugu qariyo. Waxa uu iila kaftamaa, iila sheekaystaa sidii in aanan maalinna u ooyin, waxa uu illowsanyahay sidii aan dareenkayga ugu beenin jiray hortiisa, ama waxa uu iska dhigayaa…..ama….laga yaabee in uu jecel yahay ku raaxaysiga iyo la joogga qof isaga jecel balse isagu rabitaan u hayn.

Waa sannad ku dhawaad—sannad uu isna aamusnaa aniguna aan la noolaa codkii aan kor ugu sheegay. Jacaylkii ma dhiman, waxa uu degay meel kasii madow godkii hore ee uu deggenaa, waxa uu noqday xanuun aan la arkin balse la dareemo. Marka aan ka fekero waxa kaliya ee maskaxdaydu sawirataa waa wajigiisa, marka ay indhahaygu seexdaan waxa kaliya ee kusoo noqnoqdaa waa hadalkii aan u sheegay ee—waan ku jeclahay.

Waxa aan noqday qof subax kasta u cudurdaaraya, qof aan wax cudurdaar ah dalban. Qof isku qancinaya in laga yaabo in uu xishooday, laga yaabo in uu sugayo wakhti ku habboon, laga yaabo in uu dareemay si ila mid ah balse uusan garanayn sida loo muujiyo. Aniga oo hadal la’aantiisa la nool ayaan haddana mar kasta aamusnaantiisa hadal u rogayaa, waxa aanan kadhigayaa rejo uusan isagu sheegin wali.

Laakiin waxa kaliya ee aan hubaa in jacaylka dhabta ahi aanuu u baahnayn qarsoodi, mana aha mid laga aamuso xitaa haddii uu dhaawac keenayo. Anigu waan jeclaaday—jacaylkayguna ma quusto mana qiil la’aado. Jacaylkaygu waxa uu dhashay isaga oo aan cod lahayn, wuu koray isaga oo dhuun dillaacsaday ugudambaynna waxa uu iga dhigay qof la nool dhaawac nafeed oo aan dhiig lahayn. Waan sugay—balse qalbiga la iima hibeyn. Waan dulqaatay—balse dulqaadkii waxa uu isu beddalay silsiladqoobka igaga xidhan.

“Jacayl aan iga tirmayn

Inteen la tacaalayaa?

Dareen baa igu tidcane

Xasuustu miyay tagtaa?”

Hadda waxa aan si dhab ah u yaqiisnsahay in jacaylku yahay dareen, noloshuna ay tahay doorasho, Anigu waan dareemay, jeclaaday una dulqaatay—laakiin isagu muu dooran. Waxa aan aqbalay in jacaylkaasi uu ahaa safar aan lahayn meel la gaadho iyo riyo aan run noqon doonin. Hadda, ma doonayo in aan sii sugo cod aan marna iman doonnin, qalbigaygana waxa aan u furayaa in uu neefsado. Waxa aan u oggolaanayaa in uu ka baxo xayndaabkii aan ku dhex ilaalin jiray iyo rejadii aan u dhisay.

Waan ku jeclaa, haddana waan kaa tagayaa aniga oo aan ku nacayn, balse naftayda u naxariisanaya—haa wali qalbigaygu adiga ayuu kuu xidhan yahay. Xasuustaadu way igu dulwareegtaa sidii hooyo dhallaankeeda korjoogtaynaysa. Waan kaa tagayaa aniga oo aan quusan balse ka xoroobay sugiddii aan dhammaadka lahayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News