SO | EN

SO | EN

Baarlamaanka Soomaaliya oo u kulmi waayey kooram la’aan darteed

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhacay kadib markii aan la helin tiradii xildhibaanada ee lagu furi lahaa kulanka.

Ilo baarlamaan ah ayaa sheegay in inta badan xildhibaanadu ay ka tageen Muqdisho ama aysan dooneyn inay ka soo qeyb galaan kulanka, iyagoo muujinaya caro ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, kaasoo lagu eedeeyay inuu si isdaba-joog ah u diiday mooshinno ay soo gudbiyeen xildhibaanada mucaaradka ah.

Inkasta oo xildhibaanada Soomaaliyeed ay mushaharkooda ka helaan canshuur bixiyeyaasha reer Galbeedka, haddana baarlamaanka hadda jira ayaa waxqabad yar laga arkay, waxaana qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ay ku tilmaameen “baarlamaanka ugu liita ee abid Soomaaliya yeelato.”

Goluhu wuxuu dib u bilaabay kulamadiisa bishii hore, kaddib muddo bil ah oo uu hakad ku jiray taasoo keentay in jadwalkii kulamada baarlamaanka uu dib u dhaco. Tan iyo markaas, in ka badan laba jeer ayaa fadhi la baajiyay sababo la xiriira tirada xildhibaanada oo aan buuxin.

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka weli kama uusan hadlin arrintan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News