SO | EN

SO | EN

Doorashada 16 degmo oo Muqdisho laga qaban doono bisha Disembar iyo saddex qabiil kaliya oo ku tartami doona

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkii hore kulan aan la shaacin la yeeshay xubnaha guddigiisa doorashada iyo qaar ka mid ah hoggaanka xisbigiisa Caddaaladda iyo Wadajirka (Justice and Solidarity Party JSP).

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa looga dooday qabashada doorashada golaha deegaanka taas oo ka dhacaysa 16 degmo oo caasimadda ee Muqdisho.

Xubin ka tirsan guddiga lagu muransan yahay ee doorashada, oo si hoose ugu xaqiijiyay kulanka Kaab TV ayaa sheegay in ay heleen amar ah in doorashada 16 degmo ay dhacdo 25 Disembar 2025.

16 degmo iyo saddex qabiil kaliya

Il wareedka guddiga doorashooyinka ayaa u sheegay Kaab TV in 16 degmo oo Muqdisho laga hirgalinaayo codeynta, taas oo lagu saleeyay wareegtadii kasoo baxday Golaha Wasiirada 23 Oktoobar.

Degmooyinkaas ayaa loo kala saaray degmooyinka darajada (A) iyo kuwa (B).

Degmooyinka Hodan, Yaaqshiid, Deyniile, Kaaraan, Dharkeenley, Wadajir, Warta-Nabadda, Heliwaa iyo Howl-wadaag ayaa loo aqoonsaday darajada (A).

Degmooyinka Darajada (B) ayaa ah: Waaberi, Shibis, Xamar-jajab, Boondheere, Xamar-weyne, Cabdicasiis iyo Shangaani.

Musharixiinta oo loo xiray saddex qabiil oo kaliya

Tartanka guddoomiyaasha degmooyinka 16 ee doorashada ka dhacayso bisha Disembar ayaa lagu koobay saddex qabiil ee kala ah: Abgaal (7 degmo), Habar Gidir (6 degmo) iyo Murusade (3 degmo).

Lama yaqaano sida qorshahan ku hirgali doono, waxayna guddiga lagu muransan yahay ee doorashada iyo Villa Soomaaliya ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan qorsha doorashadan lagu tilmaamay qof iyo cod.

Dhanka kale, maamullada Puntland, Jubaland iyo isbahaysiga Madasha Samatabixinta ayaa dhowaan tagi doona magaalada Kismaayo halkaas oo uu uga furmi doono shir la filaayo in looga dhawaaqo hannaan doorasho oo ka horjeeda qorshaha Villa Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News