Xarardheere (KAAB ) KAAB wararka uu ka helayo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen weerar hoobiyaal ah.
Kooxda ayaa bartilmaameed ka dhigtay , fariisimo ciidanka maamulka Galmudug iyo kuwa Dowladda ay ku lahaayeen hareeraha degmada Xarardheere oo kol hore laga saaray Al- Shabaab.
Dad ku sugan degmada ayaa KAAB u sheegay in hoobiyaasha qaar ay ku dhaceen guryo ay deganayeen dad shacab ah , taas oo sababtay dhimashada dad gaaray seddax qof.
Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dad kale sida ay sheegayaan ilo – xog ogaal ah oo ku sugan degmada Xarardheere oo aan la hadalnay.
Saraakiisha Dowladda ee degmada ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin ciidan Dowladda ama kuwa maleeshiyaadka oo weerarkaas hoobiyaasha ah ku waxyeeloobay.
Hadda waxaa degan xaalada degmada Xarardheere , waxaana socda howgal ciidanka Dowladda ay ku – doonayaan in ay ku sugaan amniga kaaas oo ay ka sameeyeen duleedyada degmada Xarardheere.
Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga saaray Al- Shabaab , waxaana haatan si wadajir ah uga howlgala ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa dadka deegaanka.