SO | EN

SO | EN

Sidee Puntland ula tacaalaysaa shaqo-la’aanta ba’an ee dhallinyarada?

|

GAROWE (Baraarug) — Maxamuud Cilmi waa nin dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Garoowe, caasimadda Puntland. Wuxuu ka qalinjabiyay jaamacad sannado ka hor, isagoo bartay tiknoolajiyadda.

Hase yeeshee, helitaanka shaqo waxay u noqotay arrin aad u adag, taasoo ku kalliftay inuu ka fekero sidii uu isagu shaqo u abuuran lahaa, si uu naftiisa iyo qoyskiisaba u maareeyo.

“Waxaan isku dayay inaan furo goob agent ah, anigoo ka faa’iideysanaya aqoontii aan bartay, si aan u sameeyo naqshadaha boorarka xayeysiiska, posters-ka, iyo warqadaha derbiyada lagu dhejiyo ee stickers-ka,” ayuu yiri Maxamuud.

Dhallinyaradu waa tirada ugu badan ee bulshada Soomaaliyeed. Qiyaaso kala duwan oo laga sameeyay Soomaaliya ayaa muujinaya in ku dhowaad 70% bulshada ay yihiin dhallinyaro ka yar da’da 24 ama 30 sano. Si kastaba ha ahaatee, fursadaha shaqo ee la heli karo ma waafaqsana tiradaas sii kordheysa.

Heerka shaqo-la’aanta dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 15–24 jir wuxuu sannadkii 2024 gaarayay qiyaastii 33.9% ilaa 34.1%, sida lagu sheegay daraasad ay soo saartay The Global Economy. Tani waxay muujinaysaa caqabad weyn oo ka jirta suuqa shaqada ee Soomaaliya. Warbixinno kale ayaa sidoo kale tilmaamaya in in ka badan 60% dhallinyarada aysan ku jirin waxbarasho, shaqo, ama tababar shaqo (NEET), taas oo sii xoojinaysa halista dhaqaale iyo tan bulsho ee mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Siyaasado lagu wajahayo heerka ba’an ee shaqo-la’aanta

Hase yeeshee, sida uu sheegay Maxamed Sheekh Axmed, oo ah La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, dowladda Puntland waxay waddaa siyaasado lagu wajahayo heerka ba’an ee shaqo-la’aanta dhallinyarada ku nool Puntland.

“Puntland waxay leedahay siyaasado dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Siyaasadda Dhallinyarada Puntland iyo qorshayaasha istaraatiijiga ah ee shanta sano ah, kuwaas oo dhammaantood taageeraya shaqo-abuurka iyo horumarka dhallinyarada Puntland,” ayuu yiri Maxamed Sheekh Axmed oo u warramay Baraarug.

Waxaa sidoo kale jiray dooddo iyo kalfadhiyo la xiriira siyaasadda dhallinyarada, kuwaas oo ay ka qayb qaateen dhallinyaro, hay’ado dowladeed, iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Doodahaas ayaa lagu falanqeeyay baahiyaha dhallinyarada, sida waxbarashada, shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, helitaanka adeegyada caafimaad, iyo maalgelinta.

Warbixinnada laga soo saaray doodahaas waxay diiradda saareen baahida loo qabo in siyaasadaha dhallinyarada ay si dhab ah wax uga qabtaan caqabadaha jira, isla markaana dhallinyarada la siiyo cod muuqda iyo kaalin wax ku ool ah oo ku saabsan go’aan-qaadashada.

La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland wuxuu qirayaa in ay jiraan caqabado waaweyn oo hor taagan horumarinta iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

Wuxuu sheegay in Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Puntland uu hadda diiradda saarayo dhismaha iyo horumarinta xirfadaha dhallinyarada, iyada oo la xoojinayo waxbarashada iyo tababarada xirfadeed ee ay u baahan yihiin si ay u helaan fursado shaqo. Sidoo kale, qorshuhu wuxuu xoogga saaraya kor u qaadista maalgelinta xirfadaha dhallinyarada, si loo yareeyo shaqo-la’aanta.

Qorshahan shanta sano ah waxaa kale oo ku jira taageeridda barnaamijyada bulshada, ciyaaraha, iyo ka qaybgalka dhallinyarada ee arrimaha bulshada.

Dhanka kale, Cabdirisaaq Cabdinuur, oo ah madaxa qaybta akademiyadda ee Jaamacadda ADMAS ee Garoowe, wuxuu aaminsan yahay in tayada waxbarashada dalka ay door weyn ka ciyaarto helitaanka suuq shaqo oo ay dhallinyaradu ka faa’iideystaan.

Wuxuu dhaliil culus u jeedinayaa tayada waxbarasho ee qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada dalka, taas oo uu sheegay inay sabab u tahay in jaamacadaha ay ka soo baxaan dhallinyaro aan lahayn xirfado ku filan suuqa shaqada.

“Meesha ka maqan waa in la beddelo aragtida ah in dhallinyaradu noqdaan shaqaale keliya,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cabdinuur. “Haddii ardayda ka qalinjabineysa hay’adaha waxbarashada aysan awoodin inay ku shaqeeyaan aqoontooda, mas’uuliyaddaas waxay dusha ka saaran tahay xarumaha waxbarashada.”

Dhallinyaro badan, sida Maxamuud Cilmi, ma sahlana inay bilaabaan ganacsi ay iyagu leeyihiin.

Helitaanka maalgelin gudaha ah oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada jaamacadaha ka soo baxda ayaa ah caqabad weyn, taas oo adkeynaysa inay hirgeliyaan fikradahooda ganacsi.

“Shaqada naqshadeynta waxay u baahan tahay qalab tayo sare leh, sida kumbuyuutarro iyo printers. Sidoo kale, xafiis waa lama huraan. Bangiyaduna deymaha aad bay u adkeeyaan. Fursadda keliya ee jirta waa in qofku ka raadsado qoyska ama qaraabada. Il kale oo maalgelin ah ma jirto,” ayuu yiri Maxamuud.

Cabdirisaaq Cabdinuur, oo ah madaxa qaybta akademiyadda ee Jaamacadda ADMAS ee Garoowe
Cabdirisaaq Cabdinuur, oo ah madaxa qaybta akademiyadda ee Jaamacadda ADMAS ee Garoowe.

Shaqooyinka ay dowladda bixin karto waa kuwo kooban, taasoo sii kordhinaysa muhiimadda doorka shaqo-bixiyeyaasha gaarka ah.

Arrintaas waxaa sidoo kale qiraya Maxamed Sheekh Axmed, oo tilmaamaya in horumarinta fursadaha dhaqaale ee gudaha ay horseedi karto abuurista shaqooyin cusub.

“Fursadaha shaqo waxaa lagu kordhin karaa iyadoo dhaqaalaheena siyaabo kala duwan loo xoojinayo. Tusaale ahaan, korontada oo qaali ah iyo kirada guryaha oo sarreysa waxay caqabad ku yihiin horumarinta warshadaha yaryar. Haddii korontada la raqiisiyo, kirada guryahana hoos loo dhigo, waxaa suuragal noqonaya in la soo jiito maalgashi gudaha iyo mid dibadeed,” ayuu yiri Maxamed Sheekh Axmed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News