Somaliland oo si weyn looga xusay sanad-guuradii 35-aad ee 18-ka May

|

Hargeysa(Kaab TV)-Guud ahaan deegaannada Somaliland ayaa maanta si weyn looga xusay sanad-guuradii 35-aad ee kasoo wareegtay maalinta gooni-isu-taaga Somaliland ee 18-ka May 1991, iyadoo muddo ka badan toban cisho ay magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka ka socdeen dabaaldegyo iyo munaasibado kala duwan oo lagu xusayay maalintan.

Magaalada Hargaysa ayaa martigelisay munaasibadda ugu weyn, halkaas oo ciidamada kala duwan ee Somaliland ay salaan sharaf ku siiyeen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo masuuliyiin kale oo heerar kala duwan leh oo kasoo qaybgalay xafladda ballaadhan.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasibadda ku sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed si khaldan loo fahamsiiyay qaddiyadda Somaliland, isaga oo xusay in Somaliland tahay “waddan kale oo Soomaaliyeed oo kusoo biiray mandaqadda.” Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay rajaynayso in mustaqbalka ay hesho aqoonsi caalami ah, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay gacan saaxiibtinimo iyo wadajir u fidinayso dalalka deriska, waddamada Carabta iyo guud ahaan caalamka.

Munaasibadda sanadkan ayaa siyaabo badan uga duwanayd kuwii hore, gaar ahaan dhinaca qaabka loo maamulay dabaaldegga. Shacabka, ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay oo sannadihii hore qayb weyn ka qaadan jiray gaaddiidka iyo bandhigyada hor mara Madaxweynaha, ayaan sanadkan qayb ka noqon saf-marinta ugu weyn ee saaka dhacday.

Taa beddelkeeda, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa dabaaldegyadooda si gooni-gooni ah usoo dhamaystay tobankii cisho ee lasoo dhaafay, halka saaka ay ciidamada iyo laamaha ammaanka ay kali ku ahaayeen saf-marinta iyo bandhigga ciidan ee lagu qabtay fagaaraha weyn ee munaasibadda, iyadoo shacabka iyo madaxdu daawanayeen.

Magaalooyinka kale ee Somaliland sida Berbera, Burco, Boorama iyo Ceerigaabo ayaa sidoo kale lagu qabtay munaasibado waaweyn oo lagu xusay maalinta 18-ka May.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News