Congo(Kaab TV) –Dad ka caraysan in loo diiday in ay qaataan Maydka qofka ka dhintay si ay aas ugu sameeyaan ayaa gubay Teendhooyin Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ka dhistay Bariga Dalkaas ayaa dab qabadsiiyay xarumahaas Caafimaad.
Ehelka ficilkaan sameeyay ayaa ku dooday in qofka ka dhintay aanay u dhiman cudurka Ebola sidaas awgeed ay ku qasban yihiin inay aas ugu sameeyaan balse ay Dowladdu u diiday sidaasina ay tallaabadaas u qaadeen.
Teendhooyinkaan waa kuwo lagu hayay dadka la karaantiillo ee looga shakiyay in uu ku dhacay cudurka Ebola ama la xaqiijiyay in uu hayo xannuunkaas si aanay Bulshada inteeda kale ugu dhex faafin cudurkaan halista badan sida hadalka loo dhigay.
Booliiska ayaa markii xaaladdu adkaatay kaddib adeegsaday Rasaas digniin ah si ay u kala eryaan Dadkaas, mas’uuliyiinta Amniga ayaa dadka usoo jeediyay in ay is dejiyaan oo ay fuliyaan go’aanka Dowladda ee kahortagga faafitaanka Ebola.
Ninka Dhintay ayaa la sheegay in uu caan ka ahaa Deegaanka rabshadaha ka dhacay taasina ay ka dambaysay in dadku kaco, waxaa weli taagan cabsi la xiriirta in isku dhaca uu kordho iyada oo ciidamo dheeraad ah la geeyay halka rabshaduhu ka dhaceen.

