Ku dhawaad 2 Milyan oo Xaaji oo gudanaya Acmaasha Xajka 1447/2026

|

MAKA(Kaab TV) -Sannadaan waxaa xajinaya ku dhawaad 2 Milyan oo Xaaji sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Xajka & Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana berri u billaabanaya xujeydaas acmaasha.

In ka badan 1.5 Milyan oo Xaaji ayaa dalka dibaddiisa ka timid halka gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka xajinayaan ku dhawaad 3 Milyan oo qof sida ku xusan diiwaanka Xujeyda sannadkaan isdiiwaangelisay ee ruqsadda heshay.

Ammaanka Xujeyda iyo goobaha ay acmaashooda ku gudanayaan ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lasoo bandhigay jadwalka culimada salaadaha tujinaysa, mu’adimiinta iyo Khudbadaha loo jeedinayo Xujeyda sanadkaan 1447 Hijiraya oo waafaqsan 2026.

2025 waxaa xajiyay 1.7 Milyan oo ruux, 2024 waxaa diiwaanka xujeyda soo galay 1.8 Milyan oo qof, 2023 waxaa xajisay in ku dhaw 1.8 Milyan oo xaaji, balse sanadkii ugu dadka yaraa waa 2020 oo waxaa xajiyay 10 kun oo qof gudaha Sacuudiga ka xajisay sabab ka dhalatay Cudurka Covid-19.

Sanadkaan waxyaabaha ku cusub xujayda waxaa kamid ah in la kordhiyay luuqadaha Khudbadaha lagu jeedinayo oo ay kamid tahay Luuqadda Afsoomaaliga maadaama xujay badan ay ka xajiyeen Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News