Shabeellaha Hoose (Kaab TV) – Horjooge lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow oo watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha , kadib markii uu ka soo baxsaday weerarro ay ciidamada dowladda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ee deegaanka Ugunji.
Ninkan isku soo dhiibay ciidamada ayaa sheegay inuu muddo ka dagaallamayay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isagoo xusay in dhawaan gurmad ahaan loo geeyay deegaanka Ugunji.
Wuxuu tilmaamay in weerarrada joogtada ah ee Ciidamada Qaranka ay ku qaadayeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab ay ku abuureen cabsi iyo xaalad adag, taasoo ugu dambeyn ku qasabtay inuu isku soo dhiibo ciidamada dowladda.
Sidoo kale, horjoogahan ayaa sheegay in nolosha iyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda ay sii adkaanayeen, gaar ahaan kadib howlgallada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo xarumaha iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo saraakiisha ammaanku ay sheegeen in xubno badan oo kooxda ka tirsanaa ay isu soo dhiibayaan ciidamada.

