MUQDISHO (Kaab TV) -Burcad-badeedda Soomaalida ayaa hadda adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn iyo nidaamyada casriga ah ee GPS-ka si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta, sida ay sheegtay Khadija Mamouni oo ka tirsan xarunta daraasaadka ee dalka Morocco
Mamouni ayaa sheegtay in burcad-badeednimada Soomaaliya ay isu beddeshay warshad weerarro qorsheysan fulisa, iyadoo kooxahaasi ay ka faa’iideysanayaan tiknoolajiyadda casriga ah iyo iskaashi ay la yeesheen maleeshiyaad ay kamid yihiin Xuuthiyiinta Yemen iyo al-Shabab.
Sida ay sheegtay, iskaashigaasi wuxuu burcad-badeedda siinayaa tababar militari iyo hub dheeraad ah, halka ay sidoo kale adeegsadaan doomaha loo yaqaan “dhows”, kuwaas oo lagu abaabulo weerarrada maraakiibta.
Khubarada dhinaca ammaanka badda ayaa sheegaya in weerarrada burcad-badeedda ay dib usoo laba kacleeyeen kadib hoos u dhac jiray sanadkii hore, iyadoo kooxahaasi hadda adeegsanayaan maleeshiyaad tiro badan iyo farsamooyin ka duwan kuwii hore.
Christopher Hockey, oo ah khabiir arrimaha ammaanka badda ah, ayaa sheegay in weerarkii lagu afduubtay markabka MT Eureka ay ka qeyb qaateen ku dhowaad 30 burcad-badeed ah, taas oo uu ku tilmaamay arrin aan caadi ahayn marka loo eego weerarradii hore.
Kororka weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha ka jira Badda Cas iyo marin-biyoodka Hormuz, kuwaas oo la xiriira colaadaha u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran.
Khubaradu waxay sheegeen in burcad-badeeddu ay ka faa’iideysanayaan jahawareerka amni, iyadoo maraakiib badan ay marayaan xeebaha Afrika si ay uga fogaadaan goobaha colaadaha.
Burcad-badeeddu waxay doomaha dheereeya ku weeraraan maraakiibta ay bartilmaameedsanayaan, iyagoo adeegsanaya qoryaha AK-47 iyo gantaallada RPG-ga kahor inta aysan jaranjarooyin kaga gudbin maraakiibta.
Khatartaasi kuma koobna maraakiibta ganacsiga oo keliya, balse waxay gaartay xitaa maraakiibta dalxiiska. Sannadkii hore rakaab saarnaa markabka Queen Anne ayaa lagu amray inay damiyaan nalalka qolalkooda isla markaana ka fogaadaan bannaanka markabka markii uu marayay aag loo aqoonsaday halis burcad-badeed.

