Jubaland oo dowladda federaalka ku eedeysay faragelin lagu sameeyay duulimaad rayid ah

|

KISMAAYO (Kaab TV) -Jubaland ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo rakaab ka qaaday magaalada Kismaayo kuna sii jeeday Dhoobley.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda, oo lambarkeedu ahaa 5Y IFY, lagu qasbay inay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Jubbaland ayaa ku tilmaantay tallaabadaasi “mid sharci darro ah” oo ka hor imaanaysa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee nidaamiya duulimaadyada rayidka ah, kuwaas oo mamnuucaya in adeegyada rayidka loo adeegsado dano siyaasadeed.

Maamulka Jubaland wuxuu sheegay in arrintan ay khatar ku tahay badqabka rakaabka, xorriyadda isu socodka shacabka Soomaaliyeed iyo kalsoonida nidaamka duulimaadyada rayidka ah ee dalka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay hawada Soomaaliya u adeegsanayso “aalad siyaasadeed”, halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego shacabka.

Jubaland ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka ah, gaar ahaan International Civil Aviation Organization, inay si dhow ula socdaan waxa ay ku tilmaantay xadgudubyada soo noqnoqday ee ka dhanka ah duulimaadyada rayidka ah iyo xorriyadda socdaalka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Jubaland waxay sheegtay inaan la aqbali karin in shacabka Soomaaliyeed lagu cadaadiyo go’aamo siyaasadeed oo halis gelin kara badqabkooda iyo xuquuqdooda aasaasiga ah.

Jubaland oo dowladda federaalka ku eedeysay faragelin lagu sameeyay duulimaad rayid ah

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News