Ciidamada ammaanka Guriceel oo qabtay eedeysane lagu tuhunsan yahay dil ka dhacay deegaanka IliX

|

Guriceel (Kaab TV) -Ciidamada Booliska degmada Guriceel, oo kaashanaya qeybaha kale ee Ciidamada Qalabka Sida sida Nabadsugidda iyo Milatariga, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cali Cabdi Jaamac, oo 25 jir ah.

Eedeysanaha ayaa lagu eedeeyay inuu xalay dil ka geystay deegaanka Madaraso Sheekh Maxamed oo hoostaga IliX, halkaas oo uu ku dilay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha uu ahaa mid si wadajir ah loo qorsheeyay, kaas oo ay fuliyeen ciidamada kala duwan ee ka howlgala gobolka.

Eedeysanaha ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska degmada Guriceel, halkaas oo ay ka socdaan baaritaanno rasmi ah oo la xiriira dhacdada, si loo dhameystiro caddeymaha loona mariyo habraacyada sharciga.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in kiiskan lagu daba jiro, isla markaana la horgeyn doono maxkamadda marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News