Maraykanka oo caddeeyay mowqifkiisa Midnimada & Wadajirka Soomaaliya

|

Maraykanka (Kaab TV) -Warbixin ka timid Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo loo gudbiyay Congress-ka ayaa lagu sharaxay mowqifka Dowladdaas ee Soomaaliya, waxaana markale ay Washington caddaysay in Madaxbannaanida & Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsan ahay.

Maraykanka ayaa sheegay in uu xiriir iyo la shaqayn la wadaago Maamulka Waqooyi Galbeed balse had iyo jeer uu uga dambeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu kala tashto una mariyo kaalmada loo dhiibayo Maamulkaas sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xukuumadda Washington.

Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo jaangoyso siyaasadda Bannaanka ee dalkaas ayaa sheegtay in wadashaqayn weliba oo ay wadaagaan Maamulka Waqooyi Galbeed in ay xogtaas ay u gudbiyaan Dowladda Federaalka, dhinaca Amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ in ay isugu mid yihiin Muqdisho & Hargaysa.

Maalgashi ay ku samaystaan Maamulka Waqooyi Galbeed waxa uu caqabadda kahor taagan ku tilmaamay in Maamulkaas uu diidan yahay la tacaamulka Dowladda Federaalka, tani waxa ay bannaanka soo dhigaysaa in Maraykanka uu aqoonsan yahay Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxa ay aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, Waxa aan aqoonsanahay Midnimada & Wadajirka Dhuleed, Diiditaanka Somaliland ee ah in ay la macaamisho Dowladda Federaalka waxa ay dhibaato ku keenaysaa in aan maalgashi ku samaysanayo Dekedda & Garoonka Diyaaradaha ee Berbera” Sidaasi waxaa lagu yiri Warka kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Xukuumadda Washington ayaa sidaan oo kale dhowr jeer horay u sheegtay in aysan aqoonsanayn Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ee Waqooyi Galbeed, waxa ay soo jeedisay in la ilaaliyo Midnimada iyo Wadajirka Dhulkeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu dal weliba u jecel yahay in qadiyaddiisa loo ilaaliyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News