DEG DEG: Dagaal goor dhow ka qarxay qeybo ka mid ah Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hub kala duwan ayaa goor dhow ka qarxay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo rasaas xooggan iyo qaraxyo laga maqlayo degmooyinka ku dhow xarumaha muhiimka ah ee dowladda, gaar ahaan degmada Howlwadaag iyo agagaarka Isgoyska dabka.

Goobjoogayaal ku sugan goobaha uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in rasaasta culus ay si joogto ah uga dhaceyso xaafado dhowr ah, . Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in iska horimaadku uu u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo xoogag la sheegay inay taageersan yihiin mucaaradka. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama mucaaradka oo la xiriira dagaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska horimaadku dhexmarayo ciidamada DF iyo kuwa RW Hore Xassan Cali Khayre oo fariisin ka sameystay degmada H/wadaag gaar ahaan Houga Xildhibaan Jacfar oo ku yaalla wadada isku xirta Isgoysyada dabka iyo Bakaaraha

Dagaalka ayaa ka dhacaya meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo in xaaladda amni ee caasimaddu ay sii xumaato haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.

Dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta culus ayaa laga maqlay xaafado badan oo Muqdisho ah, iyadoo warar aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ay sheegayaan in dhinacyada dagaallamaya ay isku adeegsanayaan hub culus iyo gaadiid dagaal.

Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada ka jirtay xiisad siyaasadeed oo sii kordheysay maalmihii la soo dhaafay.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan shaacisay goobo gaar ah oo loogu talagalay bannaanbaxyada mucaaradka, halka ciidamada ammaankana lagu arkayay iyagoo si weyn ugu sugan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegayay in mucaaradku wadeen abaabulo siyaasadeed oo la xiriira dibadbaxyo la qorsheeyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News