Ciidamo ka tirsan Birmadka Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan oo gadood ka sameeyay xerada 54-aad ee Garowe

|

Garowe(Kaab TV) –Ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka Puntland ayaa saaka gadood ka sameeyay Taliska 54-aad ee duleedka magaalada Garowe oo muddooyinkii dambe uu tababar uga socday.

Wararka hordhaca ah oo aan helayno ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka cabanayaan arrimo la xiriira in xuquuqdooda la duudsiiyay.

Ciidamadan ayaa dhawaan la sheegay in loo qaybiyay hub cusub oo loogu talagalay in lagu qalabaeeyo si ay ug biiraan ciidamada Puntland.

Ilo amni ayaa sheegaya in ciidamadu ay xaddideen dhaq-dhaqaaqa gudaha iyo dibadda xerada, taasoo adkaysay in si caadi ah loo galo ama looga baxo taliska.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale sheegay in xerada gudaheeda laga maqlayay rasaas goos-goos ah, hase yeeshee lama xaqiijin wax khasaare ah oo ka dhashay gadoodka ay sameeyeen ciidankan.

Puntland weli si rasmi ah uga ma hadlin gadoodkan iyo sababaha ka dambeeya.

Dhinaca kale, warar kala duwan ayaa tilmaamaya in ay socdaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda iyo wada-hadallo lagu doonayo in lagu xalliyo cabashooyinka ciidamadan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News