Soomaaliya iyo Urdun oo xoojinaya iskaashiga milatari

|

Urdun(Kaab TV) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Cammaan, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun, Sarreeye Guud Yuusuf Al-Xunaydi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal.

War ka soo baxay ciidamada qalabka sida ee Urdun ayaa lagu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay xaaladaha amni ee gobolka iyo caalamka, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga khibradaha milatari iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Taliyaha ciidamada Urdun ayaa sheegay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadan karo kor u qaadidda amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan xilli ay jiraan caqabado amni oo isa soo taraya.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heerka xirfadeed ee ciidamada Urdun, isagoo xusay in Soomaaliya ay danaynayso inay ka faa’iidaysato khibradda Urdun ee dhinacyada tababarka iyo tayeynta ciidamada.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay adkeynta xiriirka difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Urdun, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu sidoo kale saxiixay diiwaanka martida sharafta ee taliska ciidamada Urdun.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News