Xuseen Macallin: Soomaaliya waa inay ka maarantaa ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye ee amniga

|

MUQDISHO (Kaab TV) -La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in mustaqbalka amniga dalka uu ku xirnaan karo awoodda dowladda Soomaaliyeed ay u leedahay inay si madax-bannaan u sugto amniga, isagoo ka digay in dowladnimadu aysan ku tiirsanaan karin cid ama ciidan shisheeye.

Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidamada iyo taageerada dibadda ay muddo dheer door ku lahaayeen sugidda amniga Soomaaliya, balse ay tahay in dalka uu yeesho qorshe uu uga maarmi karo ku tiirsanaantaas.

“Dowladnimada ma dul saarnaan karto cid ama ajnabi ah. Waa nasiib-darro in shaqadii loo baahnaa inaan ka maaranno aanan sidii loo baahnaa u qaban,” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Wuxuu sheegay in xaaladda hadda taagan aysan ahayn mid shacabka lagu eedeyn karo, balse ay masuuliyaddeedu saaran tahay dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya, kuwaas oo laga sugayay inay dhisaan hay’ado amni oo awood leh.

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka ayaa xusay in dib u dhaca ku yimid dhismaha ciidamada iyo hay’adaha amniga uu sababay in Soomaaliya weli u baahato taageero dibadeed.

“Shacabka marka ay arkaan daalka, dhaqaale xumada iyo in wax walba dib uga dhacayaan, waxay ka qaadaan niyad-jab. Waxa keenaaya arrintaas waa inaanan hawshii nalaga rabay sidii saxda ahayd u qaban,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka Xuseen Macallin ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka howlgalada amniga ee caalamiga ah ee Soomaaliya iyo awoodda dowladda federaalka ay u leedahay inay mas’uuliyadda amniga si buuxda ula wareegto.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News