Ciidanka Itoobiya oo qeyb ka ah ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan inay baneeyaan magaalooyin ku yaalla Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo horseedi karta in kooxda Al-Shabaab ay soo weeraraan magaalooyinkaasi.
Sida uu ogaaday Kaab TV, dowladda Itoobiya ayaa dhowaan ku wargalisay Villa Soomaaliya in ciidanka Itoobiyaanka ee ku sugan difaacyada hore ee Buurhakaba iyo Baydhabo ay u diyaargaroobi doonaan bixitaan.
Waxayna ciidanka Itoobiya dib ugu laaban doonaan deegaanada xuduuda labada dal, sida ay ilaha ay sheegayaan.
Magaalooyinka Waajid, Waajid iyo Diinsoor ayaa sidoo kale laga yaabaa in ciidanka Itoobiyaanka ay baneeyaan.
Maamulka Baydhabo ee Koonfur Galbeed ayaa haatan wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo colaad gudaha ah, iyada oo dagaallo u dhexeeya ciidamada Madaxweyinihii la eryay ee Cabdicasiis Laftagareen iyo kuwa Aadan Madoobe ay ku dagaalamayaan duleedyada iyo gudaha Baydhabo.
Ciidamo ay keentay Dowladda Federaalka ay difaacayaan Aadan Madoobe oo doorasho ay abaabushay Villa Soomaaliya la sheegay in loogu doortay “hoggaamiyaha Koonfur Galbeed”.
Talaabadan la sheegay inay kasoo baxday ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa timid toddobaadyo ka dib markii Dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday inay joojisay gebi ahaanba lacagihii ay siin jirtay ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Ciidamada AUSSOM ayaa wajahaya dhibaatooyin dhinaca shidaalka, gaadiidka, sahayda iyo dayactirka qalabka, taasoo yareysay awooddooda inay taageeraan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Waxaana sida iluhu sheegayaan adag in AUSSOM ay bixiso dhaqaalaha ay ciidamada u baahan yihiin wixii ka dambeeya 31 December 2026, ka dib marka ay joogsato deeqda Mareykanka.

Ciidamada Itoobiya ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah AUSSOM, inkastoo doorkooda uu ahaa mid muran badan dhaliyay kadib khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee heshiiskii badda Somaliland.
Tirada ciidamada Itoobiya ee AUSSOM
Markii Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u heshiiyeen qaab-dhismeedka AUSSOM horraantii 2025, waxaa Itoobiya loo qoondeeyay 2,500 askari, taasoo ka dhigaysa ciidanka labaad ee ugu badan kadib Uganda.
Waxaa xusid mudan in Itoobiya ay sidoo kale Soomaaliya ku leedahay kumannaan askari oo aan ka tirsanayn AUSSOM, kuwaas oo ku sugan dalka heshiisyo laba geesood ah oo ay la leedahay dowladda Federaalka, gaar ahaan gobolka Gedo. Tiradooda rasmiga ah lama shaacin.
Halkee ayay Itoobiyaanku ku sugan yihiin?
Ciidamada Itoobiya ee AUSSOM iyo kuwa heshiisyada laba geesoodka ah waxay inta badan ka hawlgalaan:
- Bay – Baydhabo iyo deegaannada ku dhow.
- Bakool – Xudur, Waajid iyo Ceel Barde.
- Gedo – Doolow, Luuq iyo qaybo kale (inta badan ciidamada aan AUSSOM-ka ka tirsanayn).
- Qaar ka mid ah saldhigyada xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Gobolladan waxay muddo dheer ahaayeen meelaha ay Itoobiya hoggaaminaysay howlgaladii AMISOM iyo ATMIS, waxaana AUSSOM inta badan la wareegay isla aagaggaas.
Saameynta amniga Koonfur Galbeed
Joogitaanka ciidamada Itoobiya wuxuu leeyahay saameyn amni oo isugu jirta faa’iidooyin iyo caqabado.
- Waxay gacan ka geystaan difaaca Baydhabo, Xudur iyo Waajid.
- Waxay ilaaliyaan waddooyinka sahayda iyo saldhigyada ciidamada.
- Waxay bixiyaan taageero madaafiic, sirdoon iyo hawlgallo wadajir ah oo ay la sameeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
- Joogitaankoodu wuxuu xaddidayaa in Al-Shabaab si fudud ula wareegto magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Galbeed.
- Meelo badan oo ka tirsan miyiga Bay iyo Bakool ayaa weli gacanta ugu jira ama saamayn ku leh Al-Shabaab, taasoo muujinaysa in joogitaanka ciidamada shisheeye uusan keligiis ku filnayn in la sugo amni waara.
- Dhaqaale yaraanta AUSSOM ayaa saameysay saadka, shidaalka iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada, taasoo yareysay awoodda ay ku taageeraan ciidamada Soomaaliyeed.
- Itoobiya mararka qaar waxay mudnaan siisaa sugidda xuduuddeeda iyo danaha amni ee gudaha Itoobiya, halka dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siiso dib-u-qabsashada dhulka ay Al-Shabaab maamusho, taasoo abuuri karta kala duwanaansho istaraatiijiyadeed.
Dowladda Federaalka ayaan illaa hadda sheegin waxa laga yeeli doono goobaha ay baneeyaan Ciidanka Itoobiya, inkasta oo ay jirtay in dowladda Masar ay horey u sheegtay inay ciidan kun askari ay keeni doonto Soomaaliya, kuwaas oo laftooda aan la ogeyn halka looga heli doono dhaqaale.
Haddii 2,500-ka askari ee Itoobiya laga saaro Koonfur Galbeed iyada oo aan lagu beddelin ciidamo kale ama ciidamada Soomaaliya oo diyaar ah waxay horseedi kartaa in Baydhabo ay la kulanto cadaadis amni oo kordha.
Degaanada Xudur iyo Waajid waxay wajihi karaan go’doon sahay iyo weerarro badan oo Al-Shabaab ah.
Ciidamada dowladda oo haatan ku tiirsan kuwa AUSSOM – gaar ahaan Itoobiyaanka – waxay lumin karaan taageero muhiim ah oo dhinaca gaadiidka, madaafiicda iyo sirdoonka ah.
Al-Shabaab ayaa iyana heli kartaa fursad ay ku ballaariso saameynteeda miyiga Bay iyo Bakool, taasoo khatar ku noqon karta isku socodka gobolka iyo amniga guud ee Koonfur Galbeed.

