Maraykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo duqeymaha militari ee Soomaaliya

|

Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista ee Defense Priorities oo fadhigeedu yahay Washington ayaa ku doodday in sababta Maraykanku u sii wado duqeymaha iyo howlgalka militari ee Soomaaliya aysan ku saleysneyn khatar muuqata oo ka dhan ah gudaha Mareykanka, iyadoo ku baaqday in si tartiib tartiib ah loo soo afjaro faragelintaas.

Warbixinta ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee Soomaaliya aysan muujin awood ama qorshe ay ku fuliyaan weerarro waaweyn oo khatar ku ah Mareykanka. Sida lagu sheegay, labada kooxood waxay inta badan xoogga saaraan dagaalka gudaha Soomaaliya, halka duqeymaha iyo taageerada militari ee Mareykanku aysan weli horseedin in si buuxda loo wiiqo awooddooda.

William Walldorf oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Defense Priorities ayaa sheegay in Mareykanku uu dano amni iyo kuwo istaraatiiji ah oo kooban ku leeyahay Soomaaliya, isagoo ku dooday in howlgalka socda uusan la jaanqaadeyn danahaas.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in kooxaha hubeysan aysan halis toos ah ku ahayn gudaha Mareykanka, isla markaana ay suurtagal tahay in howlgalka militari ee joogtada ahi uu sii xoojiyay xaaladda colaadeed.

Qiimeyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu sare u kacay tirada duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya. Sida ay sheegtay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaa sanadkan la fuliyay ku dhowaad 80 duqeyn, kaddib ku dhowaad 125 weerar oo dhacay sannadkii hore. Kororkaasi wuxuu yimid kadib markii Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth uu sanadkii hore siiyay taliyeyaasha AFRICOM awood dheeraad ah oo ku saabsan go’aaminta weerarrada cirka.

Warbixintu waxay tilmaantay in saameynta duqeymahaasi aanay weli si cad u wiiqin Al-Shabaab. Waxay xustay in kooxda ay sameysay horumar dhuleed oo muuqda sanadkii 2025, iyadoo dib u hanatay deegaanno ay dowladdu hore uga qabsatay. Inkasta oo ciidamada dowladda ay dib u xoojiyeen amniga hareeraha Muqdisho, haddana qaybo badan oo bartamaha Soomaaliya ah ayaa weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Warbixinta Defense Priorities ayaa ugu dambeyn ku talisay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu muddo bilo gudahood ah si tartiib tartiib ah u soo afjaro howlgalka Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyadda amniga loo wareejiyo dalalka gobolka iyo saaxiibbada kale ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegtay in kharashka howlgalka Soomaaliya uu gaarayo boqolaal milyan oo doollar, inkastoo Wasaaradda Difaaca Mareykanka aysan si rasmi ah u shaacin tirada saxda ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News