Laamaha amniga ee degmada Dayniile ayaa sii xoojiyay howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcadda ah ee ka geysta falalka dhaca iyo amni darrada, iyagoo gacanta ku dhigay lix eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay dhac iyo handadaad ka geysanayeen xaafado ka tirsan degmada.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga, saddex nin oo burcad ah ayaa lagu qabtay howlgal degdeg ah oo laga fuliyay degmada. Labo ka mid ah eedeysanayaasha, kuwaas oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen tooreeyo, ayaa lagu qabtay waaxda Halgan, halka eedeysanaha saddexaad oo watay qori lagu soo qabtay waaxda Kurdamac. raggan lagu qabtay waxaa ay ku guda jireen falal dhac ah oo ay ka geysanayeen xaafadaha degmada.
Dhanka kale, laamaha amniga ayaa xalay howlgal kale oo laga sameeyay waaxda Kurdamac ku soo qabtay saddex dhallinyaro ah oo kale, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dadka shacabka ah ku dhici jireen iyagoo adeegsanaya tooreeyo, isla markaana cabsi iyo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka.
Howlgalladan isdaba joogga ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga degmada Dayniile, iyadoo ciidamada amniga ay kordhiyeen baaritaannada iyo roondooyinka lagu baacsanayo kooxaha ku lugta leh falalka burcadnimada.
Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay in eedeysanayaasha la qabtay lagu wado in lagu wareejiyo hay’adaha baarista iyo cadaaladda si loo marsiiyo habraacyada sharciga, isla markaana baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo si loo ogaado haddii ay xiriir la leeyihiin falal kale oo amni darro ah.
Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, uu amar cad siiyay laamaha amniga inay dardar geliyaan howlgallada lagu baacsanayo kooxaha burcadda ah, isla markaana tallaabo adag laga qaado cid kasta oo ku lug leh falalka dhaca, handadaadda iyo amni darrada ka jirta degmada.
Maamulka degmada ayaa ugu baaqay shacabka Dayniile inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amniga, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan hay’adaha amniga cid kasta oo looga shakiyo falal lidi ku ah amniga, si loo adkeeyo nabadgelyada loona xaqiijiyo badqabka bulshada.


